Seynisyahankii Adduunka Ka Shaacbaxay Stephen Hawking Oo Geeriyooda Isaga Oo 76 Jir Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Seynisyahankii Adduunka Ka Shaacbaxay Stephen Hawking Oo Geeriyooda Isaga Oo 76 Jir Ah
March 14, 2018 - Written by Reporter:

London (W,N):- Ninkan oo u dhashay dalka Britain ayaa ku caan baxay hindisihiisa fikradda cuf-is- jiidadka hawada sare ee loo yaqaano Black Holes (Daloolka Madoow), taas oo aysan jirin wax saamaynteeda ka badbaadi kara, xitaa shucaaca danabta isha aysan qabanaynin. (Cuf-is-jiidadka waa fikrad ka hadlaysa in qofka iyo wax kasta oo kale ay ka lumayaan miisaanka uu ku leeyahay dhulka, keeneysana in uu hawada u heebaabo sidii xaashi oo kale).

 

_100412147_hawking

Waxa kale oo uu qorey buugaag badan oo ku saabsan cilmi seeyniska , kana mid yahay buugga A Brief History of Time.

Qoyskiisa ayaa sheegay in Stephen uu ku dhintay gurigiisa oo ku yaala Cambridge.

Stephen markii uu 22 jir ahaa ayaa lagu sheegay xanuun daran, waxaana lagu wargaliyay in uu dhiman doono sanado yar kadib. Xanuunka laga heley oo ah nooc dhif iyo naadir ah ayaa lagu magacaabaa Motor Neurone (Danab maskaxeed) kaas oo ku dhaca neerfaha maskaxda iyo xangulaha.

Xanuunkan ayaa ku kalifay in uu kusoo uruursado gaadhiga curyaamiinta, kana dhigay nin aanan hadli karin, balse waxaa loo sameeyay qalab codka gudbiya oo uu dadka kula xidhiidhi jiray.

Buug tacsi ah ayaa laga furay jaamacadda Cambridge oo uu ka ahaa bare.

Wuxuu ahaa ninkii koowaad ee curiyay fikradda loo yaqaano Cosmology (Xiddigis) oo ku saabsan xiddigaha, iyo koonka.

Cilmi seeyniska ka sokow, Stephen waxa uu kasoo muuqday taxanayaal badan oo Taleefishinada laga baahiyay.

Sidoo kale waxaa jiray filimaan isaga laga jilay, kaas oo jillaagii filimkaas sameeyay Eddie Redmayne uu ku guuleystay abaalmarinta Oscars.

Waxyaabaha aadka loogu xusuusto waxaa ka mid ah in sanadkii 1979-kii uu jaamacadda Cambridge ka qabtay xilka macalimada xisaabta, kaas oo uu hayn jirey seeynisyahanii qarniyo ka hor noolaa ee Sir Isaac Newton, aysana jirin cid qabatay shaqadaas.

Waxaa la sheegay in uu xitaa diiday abaalmarinta ugu sareysa ee boqorada Ingiriiska ay bixiso, sababtuna ahayn in uu ka xumaa dhaqaalaha yar ee ay dowladda ku bixiso seeyniska.

COMMENTS
LINKS