|
|||||
WAJAALE NEWS
Sababaha Uu komishanka Ku fashilmay Iyo Qorshaha ka Danbeeya In Labadalo!
March 29, 2018 - Written by Editor:Sidaynu ladawada socono waxaa dalkan ka dhacay doorasho ay ku tartamayeen sedex musharax madaxwayne iyo sedex madaxwayne ku xigeen. Doorashadaasi waxay ahayd mid xamasadeedu ay aad usaraysay, hase ahatee doorashadaasi waxaynu ka baranay komishinka doorashooyinka qaranka qaabkii ay wax u maamulayeen oo ahayd mid khaladaad ka muuqday. Waxaynu ogsoonahay intii lagu guda jiray baratanka doorashada madaxtooyada inay dhaceen khaladaad faraban kuwasoo wax kaqabad la’aanta ay lahayeen komishinka doorashooyinka qaranka. Komishanka doorashooyinka qaranka waxay ahayeen kuwa aan Go’aan qaadasho wayn lahayn Arinkooduna u ekaa mid dalka xasiloonadiisa cabsi wayn galisay. Shaqada ay hayeen komishinka doorashooyinka qaranka oo ahayd mid adag, waxaynu oran karnaa waxaa si wayn u garab istaagay culimada dalka iyo abwaanada oo aynu oran karaynay hadaysan garab istaagin dalka xaalad adag ayuu gali lahaa. Waxaynu kaloo oran karnaa haduusan xisbiga wadani qaadan go’aanka komishinka kazoo baxay oo aysan u tudhin shacabkooda dalka waxuu gali lahaa xaalad adag. Qorshaha ka danbeeya in la badalo komishinka doorashooyinka qaranka waxay tahay xasbiga wadani oo soo jeediyay in komishinka labadalo iyagoo u cuskanaya xaaladii lasoo maray ee doorashada siday u maamuleen oo ay ku andacoodeen in wax isdaba marin ay dhacday. Edaa ay u soo jeediyeen xisbiga wadani komishinka doorashada qaranka waxa ka hadlay madaxwayne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Mr saylici oo sheegay gobolka awdal oo aan kazoo jeedo in aniga la igaga shubtay moyee ku shubasho aan sameynay ma jirto. Mr faysal cali waraabo mar wax laga waydiyay waxuu sheegay inay yihin kuwa ugu badan ee la khalday. Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan soo jeedinayaa in komishinka doorashooyinka qaranka la badalo, si loo helo kalsooni asxaab, Edaa losoo jeediyay komishinka doorashooyinka qaranka waxay keeni kartaa dib udhac ku yimaada doorashooyinka la filayo inay dhacaan sanadka soo socda awalkisa. madaxwaynaha waxaa horyaala go’aan ah sidii looga gudbi laha muranka maanta jira. Qalinkii Maxamed osman Related posts:“Anigu Magacyo Waan Arkaa, Mase Arko Xisbiyo Dhab Ahaan Dhisan Oo Nolol Waxqabad Siyaasadeed Leh”.Qo... 𝗛𝗨𝗚𝗨𝗡𝗞𝗔,𝗛𝗔𝗬𝗕𝗥𝗔𝗔𝗖𝗔, 𝗛𝗢𝗥𝗬𝗔𝗔𝗖𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗛𝗘𝗘𝗟𝗢𝗢𝗬𝗜𝗡𝗞𝗔 𝗕𝗘𝗘𝗡𝗧𝗔 𝗔𝗛𝗜, 𝗦𝗜𝗬𝗔𝗔𝗦𝗔𝗗𝗔 𝗞𝗨𝗠𝗔 𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗥𝗔𝗔𝗗 𝗜𝗬𝗢 𝗛𝗔𝗟𝗕𝗘𝗘𝗚 𝗦𝗛𝗘𝗘𝗚𝗔 ... Daraasad Lagu Shaaciyay Sagaal Is beddello Hab-nololeedka ah Oo Yareyn kara Khatarta Asaasaqa! COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|