Ra’iisal Wasaarihii Jabuuti Ugu Mudada Dheeraa Oo Geeriyoodey | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ra’iisal Wasaarihii Jabuuti Ugu Mudada Dheeraa Oo Geeriyoodey
March 19, 2018 - Written by Reporter:

Djibouti (W,N):- Ale ha u naxariistee Waxaaa Malinti shalay ahayd Dalka Faransiiska ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Jabuuti Barkhad Guurad Xamaduu. Barkhad Guurad Xamaduu, waxa uu ahaa Ra’iisul Wasaarihii ugu muddada dheeraa dalka Jabuuti isagoo xilka hayey in ka adan 30 sannadood.

Barkhad Guurad Xaamaduu waxaa uu Sanadihii 1979-kii Ilaa 1999-kii uu Dowladii Xasan Guuleed Abti Doon ka ahaa Ra’iisal Wasaare, Sidoo kale markuu talada la wareegay Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele Sanadii 1999-kii ayuu markale Barkhad Guurad u soo magacaabay Ray’iisal Wasaare.

Ale Ha u naxariistee Barkhad Guurad ayaa jagada Ra;iisal Wasaare ee Ismaaciil Cumar Geele u Mgaacbay iska casiley Bishii March Sanadkii 20001-dii  isagoo markaas istiqaalaadii u gudbiyay Madaxwayne Geele sababo la xidhiidha Xaaladiisa Caafimaad.

Sidoo kale Marxuun Ra’iisal Wasare Barkhad ayaa waxa uu si xoogle uga soo qayb qaatay halgankii xornimo doonka Dalka Jabuuti isagoo wakhtigii Mustacmarka soo qabtay Xilal u badan Xildhibaanimo waxaanu ifka kaga tagay hal xaas iyo Afar Caruur ah.

 

Wajaalenews.net

Djibouti Office

COMMENTS
LINKS