|
|||||
WAJAALE NEWS
Nigeria Oo Ka Baxday Saxeexa Heshiiska Ganacsiga Xorta Ee Qaarada Afrika
March 19, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Dowladda Nigeria ayaa ka baxday saxeexa heshiiska ganacsiga qaaradda Afrika , maalmo uun ka hor xilli lagu waday in xadhigga lagaga jaro caasimada Rwanda ee Kigali. Heshiika ganacsiga xorta ah ee qaaradda Afrika ayaa waxa looga gol leeyahay in sare loogu qaado ganacsiga qaarada dhexdeeda islamarkana meesha looga saaro caqabadaha ganacsiga hortagan . Balse ururka shaqaalaha dalka Nigeria ayaa cabasho ka muujiyay arrintani iyaga oo sheegay in uusan u wanagsanayn dhaqaalaha uuna horseedayo in shaqooyiin badan ay meesha ka baxaaan. Wadanka ugu dhaqaalaha wayn qaaradda Afrika in daqiiqadihii ugu dambeeyay uu ka baxo ayaa ah mid dib u dhac ku keenaysa heshiiska ganacsiga. Bayaan uu soo saray madaxwayne Muhammadu Buhari ayuu ku baajiyay socdaal lagu waday in uu ku tago Ruwanda si uu fursad u siiyo wadatashi gudaha Nigeria. Iyada oo doorashada Nigeria ay ka hadhsan tahay wax ka yar sanad ayaa waxa ay dowladda Nigeria doonaysa in ay ka baaqsato muran dexmara dowladda iyo ururada shaqaalaha iyo qaar ka mid ah hogaamiyayaasha ganacsiga oo iyagu sheegay in heshiiska ganacsiga xorta ah ee qaarada afrika uu horseedayo shaqooyin badan oo luma. Heshiiska ayaa meesha ka saaraya caqabadaha haysta badeecooyiinka isaga kala gudba xuduudaha. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|