NATO Oo Eriday Dublamaasiyiin Ruush Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
NATO Oo Eriday Dublamaasiyiin Ruush Ah.
March 27, 2018 - Written by Editor:

Xog-haya guud ee gaashaan buurta NATO, Jens Stoltenberg, ayaa sheegay in todoba ka mid ah dublomaasiyiinta ka hawl gala xafiiska diblomaasiyadeed Ruushku ku leeyahay xarunta ururka NATO. Tallaabadaas oo jawaab u ah weerarkii lagu sumeeyey basaas hore Ruushka ugu shaqayn jiray oo ka dhacay dalka Ingiriiska saddex todobaad ka hor.

NATO

Stoltenberg wuxu sheegay in saddex dublamaasi oo kale oo soo dalbaday ruqsado ay xafiiskaa kaga shaqeeyaanna loo diiday ogolaanshihii. Sidaas ayaanay tirada dublamaasiyiinta Ruushka ah ee ka hawl gala xafiiskaasi isku dhintay saddex meeloodow meel.

Xog-hayuhu waxa uu sheegay in go’aankaasi fariin cad u dirayo Ruushka, taas oo ah in habdhaqankiisa cawaaqib ka dhalanayo.

In ka badan labaatan dal ayaa tallaabo taas la mid ah ka qaaday Ruushka oo waxay dalalkooda ka eryeen in ka badan boqol dublamaasi oo Ruush ah.

Ruushka ayaa beeniyey inuu wax lug ah ku lahaa sumaynta Sergei Skripal iyo inantiisa oo xaaladoodu liidato. Wasiirka arimaha dibadda Ruushka, Sergei Lavrov, ayaa isaguna ku eedeeyey Washington in ay ku dirqiday dalalkaasi in mar qudha talaabadaa ay dublamaasiyiinta ku eryeen qaadaan

COMMENTS
LINKS