Maxaa Keenay In Xiligan Qaar Kamida Siyaasiyiinta Iyo Xildhibaano Reer Somaliland ahi Isku Bahaystaan Dhaleecaynta Madaxda Jabuuti.? Iyo Xogaha Ku Lamaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Keenay In Xiligan Qaar Kamida Siyaasiyiinta Iyo Xildhibaano Reer Somaliland ahi Isku Bahaystaan Dhaleecaynta Madaxda Jabuuti.? Iyo Xogaha Ku Lamaan!
March 11, 2018 - Written by Editor:

 HARGAYSA(W.N) Waxaa Mudooyinkii ugu danbaysay warbaahinta somaliland hadalo lagu weerarayo dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti ku faafinayay qaar ka mid ah siyaasiyinta iyo xildhibaano ka kala tirsan golaha wakiilada iyo guurtida Somaliland, kuwaasi oo marba marka ka danbaysa weedhaha ay ku weerayayaan jabuuti si isdaba jooga u soo badanayaan, iyadoo dhamaan xubnahan siyaasiyiinta iyo xildhibaanadu ay wadaagaan deegan amaba ay yihiin badi isku hayb. Arinta ka soo yeedhaysa xubnahan aan kor ku soo sheegay ayaa waxaa iswaydiintoodu ku badatay shacabka Somaliland iyo dabcan shacabka jabuuti Oo  iyagu Xoog Isku Waydiinaya Qorshayaasha ka danbeeya filicilada siyaasiyiintan, maadaama ay yihiin shacab wadaaga xidhiidho soo jireen ah oo ka dhexeeya labada Bulsho.

isku bahaystay

Habada hadii aynu hoos ugu daadagno arimaha loo Aanaynayo in ay ka danbaysay Eeda iyo Aflagaadadan xubnahan siyaasiyiinta ee isku haybta ah balse ku kala dhinaca Asxaabta, oo qaarkood kamid yihiin xisbiga kulmiye iyo golihii wasiirada ee xukuumadii siilaanyo taasi oo xidhiidh fiicani ka dhexeeyo dalka jabuuti.

Sidoo kale siyaasiyiintan isku deegaanka ah ee mudooyinka danbe caadaystay weerarada qaawan ee ay ku hayaan dalka jabuuti iyo go’aamada ay ka gaadhayso danaha dalkeeda oo ay dawlad ahaan xaq u leedahay in cidii ay u arki waydo danteeda ay ka baxdo heshiiska ay kula jirto taasi oo dhanka kale aanay muuqan wax siyaasiyiinta ku kalifaya wax ka sheegooda dalka aynu jaarka nahay ee jabuuti.

Hadaba xogaha laga helayo hadalada ay xubnahani caadaysteen ayaa tibaaxay in ay jirto qorshe ka danbeeya oo ay fulinayaan iyagoo iyagu iska dhigaya kuwo u doodaya dan Somaliland leedahay oo jabuuti ka xun tahay balse arintu noqotay “baroortu orgiga ka wayn”

ujeedooyinka ku lamaan xubnahan isku baystay ficilada lagu durayo dalka jabuuti ayaa la xidhiidhiyay in arinta ay Fulinayaan shaqsiyaadkani Aanay  ahayn mid Somaliland u dan ah balse ay tahay mid Abaabulkeeda ay ku jiraan gacmo Shisheeyo oo Qorshahoogu yahay Sidii khilaaf loo kala dhex dhigi lahaa jabuuti iyo Somaliland.

Taasi oo daboolka ka qaaday in qorshani uu yahay mid dhaqaale badan lagu bixinayo. Iyadoo lala xidhiidhiyay in ay jirto Fikir Ay wadaagaan ganacsato markoodii hore reer jabuuti ahaa isla markaana xiligan dalka jabuuti kaga maqan khilaaf soo kala dhex galay iyaga iyo xukuumada, ayna uga faa,iidaysanayaa sidii ay gudaha Somaliland uga hurin lahaayeen qorshayaal lid ku ah jabuuti isla markaana waxyeelo ku ah xidhiidhka labada dal oo ay iyagu uga dan leeyihiin sidii loo kala fogayn lahaa shacabka labada dal.

Sikasta oo ay tahay waxa siyaasiyiinta somaliland kusoo badanaya mudooyinkan xubnaha loo adeegsado ujeedooyinka shisheeya iyo marin habaabinta hiigsiga uu ku jahaysan yahay qaranka somliland oo cadowgiisu marwalba ku hawlan yahay adeegsiga xubnaha loogu yeedho dhaameel raadista wallow shacabka somaliland ay si dhow ula socdaan talaabooyinka iyo qorshe kasta oo laga soo maleego dibada.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA SOMALILAND

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS