|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxaa Keenay In Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Ka Cudurdaarto Shirka Deg Deg Ah Ee Madaxweyne Muuse Biixi Ka Dalbaday?Faalo;
March 29, 2018 - Written by Editor:Hargeysa(W,N):-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah Ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro ayaa ka gaabsaday inuu ka soo qayb galo shir deg deg ah oo caawa madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muuse Biixi iskugu yeedhay xisbiyada Mucaaridka ah iyo Shirgudoonka labada Aqal Ee baarlamaanka Somaliland. Kulankan ayaa Ujeedadiisa Lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi kala Tashanayey madaxda Xisbiyada iyo Baarlamaanka , go’aanka laga qaadanayo Hadalada xanafta leh iyo ficilada ka Soo baxaya dawlada soomaaliya. Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa ka cudurdaartay inuu ka soo qayb galo kulankaasi, iyada oo wararku sheegayaan inaanu wakhti xaadirkan ku niyad samayn kulamada faraha badan ee madaxweyne Muuse Biixi Hadyo jeer ka Dalbado Xisbiyada Mucaaridka ah. Gudoomiye Cirro Ayey Wararku Sheegayaan inuu shirkaasi kaga mashquulay Hawlo kale oo xisbiga Waddani la xidhiidha, isaga oo muujiyey sida aanu ugu faraxsanayn in madaxweyne Muuse Biixi markasta oo xaalado soo kordhaan uu qaylo dhaan u soo dirsado xisbiyada iyo shirgudoonka baarlamaanka, Dhanka kale baaqashada shirkan ee gudoomiyaha xisbiga wadani ayaa lala xidhiidhiyay xurguftii ay sobobtay go,aankii xisbiga kalsoonida kagala noqday komishanka oo xukuumada iyo xisbiga ay isku dhaw yihiin ku dhaiileen madaxda wadani taasi oo la odhan karo waxay keentay kala fogaasho xukuumada ah Halka dadka siyaasada falanqeeyaana ay ku tilmaameen in hawlihii xukuumada muuse biixi loo doortay umuuqdaan mid durba kusina balaadhay oo waajibaadkii ka saaran hogaaminta qaranka ee uu u xilsaaran yahay gudashadooda uu hadba shir aan micno badan lahayn ugu yeedhayo Asxaabta kaasi oo xataa waxa ay usoo jeediyaan aanu ku dhaqmay madaxwaynuhu basle ay kulamadani kaliya yihiin uun kuwo bulshada loo tusayo in ay xukuumadu tahay mid furfuran oo talada waxka siinaysa golayaasha kala duwan. Sikastaba ha ahaatee Madaxwayne muuse biixi ayaa Umuuqda hogaamiye shaqadii loo doortay gudashadeedu la daalaadhacaya isagoon mudo dheer xilka haynin Kuna haftay Dhawaaqa Madaxda Maamulka Taag daran Ee Muqdisho Kaga Imanaya halka uu Jahawareer xukuumadiisa ka haysto Siyaasada Arimaha Dibada .
WAJAALENEWS DESK HARGAYSA OFFICE EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|