Maxaa Ka Hortaagan Wasaaradda Arimaha Gudaha Kaalintii Ay Ku Lahayd Daba Galka Hanaanka Xillgudasho Ee Xilldhibaanada Goleyaasha Deegaanka S/land ? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa Ka Hortaagan Wasaaradda Arimaha Gudaha Kaalintii Ay Ku Lahayd Daba Galka Hanaanka Xillgudasho Ee Xilldhibaanada Goleyaasha Deegaanka S/land ?
March 30, 2018 - Written by Editor:

Wasiirka Wasaarada  Arimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed Ma Leeyahay Qorshe Cad Uu Ku Dardar Galinayo Hanaanka Xill-gudasho Ee  Golayaasha Deegaanka S/land ?

HARGAYSA(W,N) Dadka Arimaha Maamulka dawladaha Hoose Aqoonta gaara u leh waxay ku macneeyaan Xillka baaxada leh iyo shaqada ay Qaranka u hayaan Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka S/land mid aad u culus oo laf dhabar u ah dhismaha Dawladnimo.Mar kale waxaa lagu tilmaamaa dawlada dhexe iyo dawladaha hoose sida labada indhood ee isku ilmeeya Marka midi Damqato ama Nabar ku dhaco,Waxaase wax lala Yaabo ah in Wasaaradda Arimaha Guduhu ay noqoto mid Hawlgaba oo ku Guuldaraysatay in ay kobciso Heerka maamul daadajinta Dagmooyinkii laga soo doortay Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka,iyo in ay kobciso maamull wanaaga,isla xisaabtanka,ku dhiirato la dagaalanka musuqmaasuqa kuna daba gasho hanaanka xillgudasho Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka S/land.

MAAYARADA DALKA

Muddo Shann iyo toban sannadood ah ayaa laga joogaa Waqtigii doorashadii u horaysay Ee Golayaasha Deegaanku Dalka S//land ka qabsoontay,iyadoo waqtigaasi aanu jirin Xeer Si cad u qeexaya Hanaanka wada shaqaynta Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka iyo Dawlada dhexe,qabyadaa sharci ee jirtay waxay jahawareer ku riday Xilldhibaanadii Golayaasha Deegaanka ee la soo doortay,waxaase qabyadaa Sharci la soo gunaanaday Sannadkii 2007,ka dib markii Golayaasha sharci Dajinta Ee Wakiillada iyo Guurtidu Qalinka ku duugeen Xeerka Gobolada iyo Dagmooyinka ee Xeer Lr 23.Madaxwaynihii hore Ee Daahir Rayaale Dhaqan Galiyay  .

MMMMMMMMMMM

Mar kale,doorashadii labaad ee Golayaasha Deegaanku waxay Dalka S/land ka dhacday Maalin ku beegan 28/11/2012 waxayse is waydiintu tahay:- Maxaa ka Qaldan hanaanka Xillgudasho Ee Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka? Maxaa ka qaldan kaalintii Wasaaradda Arimaha Guduhu Ku lahayd Daba Galka Hanaanka Xill-gudasho Ee Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka S/land ? Ma jirtaa faro galin Wasaaraddo kale ay ku hayaan Waajibaadka u gaarka ah Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka S/land? Ma jiraan Duruufo iyo dabar ku xidhan oo Sabobaya in ay gudan kari Waayaan Xillkii iyo Masuuliyadii loo doortay ? Ma jiraan koboc Maamul wanaaga ah oo Wasaaradda Arimaha Guduhu ku Hagayso oo ka soo muuqda Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka S/land ? Ma qabsadaan Xilldhibaanada Golaha Deegaanku kalfadhiyadii waajibka ku ahaa ? Ma jiraa Gole Deegaan oo qabtay Sodonkii kalfadhi Shanntii Sanno ee Dhamaatay ? Ma muuqataa Kaalintii Wasaaradda Arimaha Guduhu ku lahayd daba galka Hanaanka xill-gudasho ee Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka S/land ? Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudahu Maxamad Kaahin Axmed ma leeyahay qorshe Cad uu ku Dardar galinayo Hanaanka Xill-gudasho ee Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka S/land ? .

maxamed kaahin

Xogururin laga sameeyay Hanaanka xill-gudasho ee Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka S/land,ayaa Daboolka ka Qaaday in Xilldhibaanadii la Doortay ay ku guul-daraysteen in Ay qabsadaan Shirarkii ama kall-fadhiyadii caadiga ahaa ee Waajibka ku ahaa,iyadoo Wasaaradda Arimaha gudaha oo u xilsaarnayd daba gallka Hanaanka Xillgudasho Ee Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka ay gabi ahaanba ku guul-daraystay in ay kula xisaabtanto masuuliyadii iyo Xillkii ay qaranka u hayeen .

Sidoo kale,waxay Xog ururintani daboolka ka qaaday in faro galin toosa iyo mid dadban oo kaga timaada  Dawlada dhexe Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka,ay ku sandulayso in Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka ay u dhagu nuglaadaan kolba Maayarka Xillka haya ee Xukuumada dhexe dhinaca Saarto,

Waxayna Arimahaasi  ugu dambayntii Xilldhibaanada Golaha Deegaanku ka dhigtay kuwo hawlgaba oo gudan Kari waaya masuuliyadii saarnayd .

Dadka arimaha Maamulka dawladaha hoose sida joogtada ah ula socdaa waxay aaminsanyihiin in lagu guul daraystay Maamul daadajintii iyo ujeedooyinkii loo qabtay labadii Doorasho ee Golayaasha Deegaanka S/land,waxaanay hoosta ka xariiqayaan in doorashadii Golayaasha Deegaanku noqonin mid midho dhall ah oo aanay waxba iska badalin hab maamulkii Maayaradii Madaxwaynayaashu u soo magacaabi jireen Dagmooyinka dalka.

Waxaana  hubaala in Todobadii Wasiir ee soo maray Wasaaradda Arimaha Gudaha muddo shann iyo tobann sannadood ah ee Xilldhibaanada Golaha Deegaanka la doortay in ay dhamaantood ku guuldaraysteen in ay kobciyaan oo koriyaan nidaam maamull daadajinta ee loo qabtay doorashada Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka S/land,waxaana xusid mudan in Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha ee maantu Maxamad Kaahin Axmad aanu u dajin Siyaasad cad uu ku toosinayo hanaanka Xilgudasho ee Xilldhibaanada Golayaasha Deegaanka S/land. Taasi oo ka dhigan in uu isna mari doono jidkii wasiiradii uga horeeyay wasaarada..

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS