Malala Yousafzai Oo Lix Sano Kadib Ku Laabatay Dalka Pakistan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Malala Yousafzai Oo Lix Sano Kadib Ku Laabatay Dalka Pakistan
March 29, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N) – Gabadha ku guuleysatay abaal marinta caalamiga Nobel Peace Prize Malala Yousafzai ayaa dib ugu laabtay markii u horeysay dalka Pakistan, tan iyo markii ay toogteen Kooxda Taliban lix sano ka hor.

 

180329145314-01-malala-car-pakistan-exlarge-169

Malala oo hada ah 20 jir ayaa ah gabadh u dooda xuquuqda aadanaha, koox ka tirsan Taliban ayaa madaxa ka toogtay sanadkii 2012, xilligaasoo ay u ololeynaysay waxbarashada gabdhaha.

 

Safarka Malala ee Islamabad ayaa ahaa mid qarsoodi ah, xaalad amni darteed, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay.

 

Waxaa wehliyay qoyskeeda oo kala soo degay garoonka diyaaradaha Benazir Bhutto ee Islamabad.

 

Malala ayaa la filayaa inay la kulanto Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shahid Khaqan Abbasi iyo mas’uuliyiin kale.

 

Lama xaqiijin inay booqan doonto iyo in kale magaalada ay ka soo jeedaan qoyskeeda ee ku taal waqooyi galbeed Pakistan.

 

Malala Yousafzai ayaa sanadkii 2014 noqotay qofkii u horeeyay oo da’yar ah oo ku guuleysata abaal marinta caalamiga Nabadda Nobel Peace Prize.

COMMENTS
LINKS