|
|||||
WAJAALE NEWS
Magaladda Nairobi Waxa Dhaqtar madaxa qaliin kaga sameeyay qof aan ahayn kii u baahnaa.
March 2, 2018 - Written by Wariye:Hargeisa(WJN):-Dhaqtar u dhashay dalka Kenya ayaa shaqada laga diray kadib markii uu madaxa ka qalay qof aan ahayn kii qaliinka u baahnaa. Qof bukaan ah ayaa u baahnaa in madaxa lagaga sameeyo qaliin si looga saaro xinjir dhiig guntantay, halka qof kale oo bukaan ah uu u baahnaa daweyn yar maadaamaa uu madaxa ka bararsanaa sida uu qoray wargeyska Daily Nation ee Nairobi kasoo baxa. Waxaa dhacday in dhaqtarkii uu qalay bukaankii daweynta yar u baahnaa, halkii uu qali lahaa qofkii xinjirta ay guntantay. Isbitaalka Kenyatta ee heerka qaran ee Nairobi ayaa sheegay in uu ka qooqamaysanyahay waxa dhacay, waxaana shaqadii laga direy dhaqtarkii sida uu tabiyay wargeyska kale ee Standard. Balse wargeyska kale ee The Star ayaa soo qoray in dhaqtarka iyo saaxiibadiis ay ka hor yimaadeen go’aanka shaqada looga eryay, waxayna sheegeen in ay tahay in la ciqaabo qofkii calaamadda aqoonsiga qaldan ee ku dhagnaa qofka bukaanka ah, taas oo muujinaysay in uu yahay qofkii u baahnaa qaliinka. Maamulka isbitaalka ayaa sheegay in qofkii lagu sameeyay qaliinka qaldan ay xaaladiisa fiicantahay hadda, halka qofkii markii koowaad u baahnaa qaliinka ee xinjirta uusanba gali doonin wax qaliin ah maadaamaa xaaladiisa caafimaad ay kasoo reystay. Hargeisa Office Related posts:Daawo: Faysal Cali Waraabe Oo Wasiirka Hawlaha Guud Ku Eedeyey Dhul Uu Ka Qaaday Muwaadin Reer Somal... DAAWO; Dadwaynaha Xaafada Ibraahim koodbuur Oo Dawlada Hoose Ee Hargaysa ku Eedeeyay In ay Iibisay Q... DAAWO ; Abwaan Aadan Cade Mar 3aad kusoo Noqday Silsiladii Miimley Iyo Dulucda Maansada Muuqaalo Ba... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|