|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Kulan La Qaatay Gudida Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka
March 6, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland. Kulankan madaxweynuhu la yeeshay xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland oo ahaa mid xogwaran ah oo ay guddidu madaxweynaha warbixin ka siiyeen safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalka dibediisa kulamo kula soo yeesheen dalalka Somaliland ka taageera dhinaca dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland. Waxaanay madaxweynaha uga warameen ballan qaadyadii ay kala soo noqdeen safarkooda, iyagoo sheegay inay waddamada Somaliland ka taageera arrimaha dhaqaalaha doorashooyinka Somaliland ay u sheegeen in dhinacooda ay diyaar ula yihiin wixii ku waajiba ee looga baahdo doorashooyinka wakiilada iyo golayaasha deegaanka ee lagu wado inay dalka ka qabsoomaan horaanta sanadka 2019ka.
Dhinaca kale madaxweynuhu waxa uu xubnaha Guddida Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ku boggaadiyey hawsha qaran ee ay u hayaan qaranka iyo dedaalada ay ugu jiraan in doorashadu ku qabsoonto wakhtigeeda, waxaanu u balan qaaday in ay ka go’an tahay xukuumadda wixii kharash ku baxaya, sidii uu horeba madaxweynuhu u balan qaaday, ka guddi ahaana ay ku dedaalan in aanay wakhtigeeda dib uga dhicin doorashooyinku. https://youtu.be/qf0cQspMBbM
Related posts:DAAWO;-Siyaasiyiinta Iyo Waxgaradka Beesha Ciise Oo War Kasoo Saaray Xaalada Siyaasadeed Ee Dalka! URURKA SOLJA OO SOO SAARAY WARBIXINTII 6da BILOOD EE HORE SANADKAN 2013 TACADIYADII IYO CAGAJUGLAYNT... Somaliland Oo Noqotay Dalka Labaad Ee Qabanaya Tartanka 10ka Akhris Ee Qur’aanka Iyo Wasaaradda Diin... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|