Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Muhiim Ah La Qaatay Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan Muhiim Ah La Qaatay Hogaamiyeyaasha Xisbiyada Mucaaridka Ah
March 12, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan gaar ah kula qaatay guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, Mudane Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Kulanka uu madaxweynuhu la qaatay labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka ah oo saaka dhacay, ayaa salka ku hayey sidii wada-jir iyo isku duubni loogu abbaari lahaa arrimaha waqtigan dalka ka taagan iyo kuwa mustaqbalka soo socda, isla markaana mawqifyo isku mid ah looga qaadan lahaa hawlaha taagan.

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac oo markii kulankaasi dhammaaday faah-faahin ka bixiyey ujeeddada kulanka, ayaa sheegay inuu madaxweynuhu kulankan uga gol lahaa sidii uu u muujin lahaa in xukuumadda uu hoggaamiyaa mar walba xil gaar ah iska saarto wada-tashiga iyo midnimada bulshada reer Somaliland, mucaarid iyo muxaafidba.

Af-hayeen Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa isaga oo sharraxaya nuxurka kulanka uu madaxweynuhu la qaatay labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka ah, waxa uu yidhi, “Ujeeddada kulankani waxa ay daarrannayd sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa danta qaranka, waxa ay madaxweynaha iyo labada guddoomiye isla qaateen inay lama taabtaan tahay, qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ay mawqifyo isku mid ah ka qaataan gefka iyo gardarrada siyaasadeed ee kasoo burqanaysa dalka Soomaaliya, kuwaas oo ka dhan ah jiritaanka Somaliland. Madaxweynaha iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, waxa ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay meel-marinta siyaasadda guud ee qaranka, waxaana ay shacabka ka codsadeen in iyaga oo isku duuban oo midaysan ay difaacaan qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland.”

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxa uu sidoo kale caddeeyey inay madaxweynaha iyo labada guddoomiye ee xisbiyada mucaaridka ahi ka isla garteen baahida loo qabo in wada jir loo dardargeliyo doorashooyinka Goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee qorshaysan inay dalka ka dhacaan sanadka soo socda ee 2019-ka, “Madaxweynaha iyo labada hoggaamiye xisbi, waxa ay sidoo kale isla lafo-gureen dardar-gelinta iyo diyaar garowga doorashooyinka dalka kusoo foolka leh sanadka soo socda ee 2019-ka, iyaga oo isla gartay baahida loo qabo in la hawlgeliyo guddiyadii saddexda xisbi-qaran ee arrimaha doorashooyinka u xil saarnaa, waxaana ay isla meel dhigeen in la joogteeyo kulamada wada-tashi ee lagaga wada-tashanayo arrimaha ku saabsan danta guud ee qaranka.” Ayuu yidhi af-hayeen Maxamuud Warsame Jaamac.
Wa-bilaahi Tawfiiq

COMMENTS
LINKS