Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo La Filaayo In Ay Galabta Dalka Ku Soo Laabtaan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Somaliland Iyo Waftigii Uu Hogaaminayay Oo La Filaayo In Ay Galabta Dalka Ku Soo Laabtaan
March 19, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (W,N):- Waftigii uu hogaaminayay Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu galabta dalka dib ugu soo laabto ka dib markii safar dhawr maalmood qaatay ay ku joogeen Imaaradka carabta.

Muuse-Biixi-1

Madaxweynaha iyo madaxda dawlada Imaaradka carabta ayaa waxa ka wada Hadleen arimo khuseeya labada dhinac oo ay ka mid yahiin heshiiska Dekada Berbera iyo sidoo kale saldhiga Milateri ee Berbera laga siiyey Imaaradka.

 

Sidoo kale Waxaa la filayaa in uu madaxweynuhu la hadlo warbaahinta isla markaana uu ka war bixiyo ujeedka iyo waxyaabaha safarkiisa uga soo qabsoomey.

COMMENTS
LINKS