|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha JSL Oo Maanta Isugu Yeedhay Shir-gudoonka Guurtida, Wakiilada Iyo Axsaabta Qaranka+Sawirro
March 13, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta isugu yeedhay, isla markaana kulan gaar ah la qaatay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax iyo gudoomiyeyaasha labada xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro). Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay shir-guddoonka goleyaasha guurtida iyo wakiillada iyo guddoomiyeyaasha axsaabta mucaaridka ah, ayaa daarranaa sidii qaran ahaan talo midaysan looga yeelan lahaa arrimaha ku soo kordhay mandaqadda Geeska Afrika maalmihii u danbeeyey, waxana la isla gorfeeyey sidii meel looga soo wada jeesan lahaa la iskuna duubnaan lahaa qaran iyo shacbi ahaanba. Sidoo kale, Waxaa kulankaasi la isku hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay leedahay in la dhawro midnimada iyo isku-duubnida shacabka reer Somaliland, meelna looga soo wada jeesto danta guud ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.
Related posts:Xaglotoosiye Oo Ka Hadlay Xadhiga Boqor Buurmadow, Kana Jawaabay Hadalo Ka Soo Yeedhay Faysal Cali W... Wasiirka Caafimaadka Jsl Oo Xadhiga Ka Jaray Mishiinka Dhaliya Oxygen-ta Oo Laga Hirgaliyay Cisbitaa... Madaxdhaqameed Kasoo Kicitimay Somaliya Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Hargaysa iyo Ujeedada Safark... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|