Madaxwayne Ku-xigeenka JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Agaasimaha Geeska Afrika U Qaabilsan Hay’adda IOM | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Ku-xigeenka JSL Oo Xafiiskiisa Ku Qaabiley Agaasimaha Geeska Afrika U Qaabilsan Hay’adda IOM
March 29, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu maanta oo khamiis ah xafiiskiisa ku qaabiley agaasimaha geeska Afrika u qaabilsan hay’adda IOM, Mr. Jeffrey Labovitz oo ay wehelinayeen, Jessamy Garver-Affeldt oo ka socotay xafiiska IOM ku leedahay Somaliland, iyo la taliyaha hawlaha IOM ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Dyane Epstein.

 

Kulankaas oo lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo IOM ayaa lagu soo qaaday arrimaha ay hay’addu kala shaqayso Somaliland ee ay ka midka yihiin qaxoontiga ka soo qaxay dalka Yemen ee ku sugan gudaha Somaliland, sidii ay IOM u kordhin lahayd baahiyaha la xidhiidha daryeelka iyo kaabayaasha aas-aasiga ah ee lagama maarmaanka u ah in xooga ay saarto hay’addu iyo in ay gacan ka geysato goobaha barakacayaasha ku caydhoobay abaarihii dalka ka dhacay ee weli isa soo taraya iyadoo weliba ay u diyaar garoobaan xaalada abaareed ee soo cusboonaatay.

 

 

Waxa kale oo laga wada hadlay inay dardar-geliyaan arrimaha caafimaadka ee ay kala shaqeeyaan wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland oo ay wada shaqayn leeyihiin hay’dan, iyadoo uu madaxweyne ku xigeenku ku adkeeyey in ay dedaal dheeraada geliyaan arrimaha caafimaadka iyadoo ka duulaya baahiyaha wasaaradda.

 

IOM-na waxa ay Somaliland ku ammaaneen doorka ay ka qaadatay arrimaha qaxoontiga Yemen ee ay sida wanaagsan u dejiyeen una soo dhaweeyeen, taasi oo beesha caalamka tustay in Somailand ay tahay dal isku tashaday waxna qabsaday cid kalena u gargaari kara haddii looga baahdo caawimo dawladnimo, iyo mid gaaraba.

 

Waxaanay balan qaadeen inay door la taaban karo ka qaadan doonaan arrimaha abaaraha, barakacayaasha, qaxoontiga Yemen iyo dhinaca caaafimaadkaba.

29542784_1604085383038642_1809436840132932958_n 29542991_1604085179705329_1028951238387007402_n 29543147_1604085206371993_6708669631821336619_n 29570325_1604085009705346_6690261653281077267_n 29570457_1604085399705307_723912197921649978_n 29542124_1604085173038663_4783933312042522306_n

 

COMMENTS
LINKS