|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha jsl Oo Dhambaal Tacsi ah Udiray Marxuum Gen Cismaan Dacas Oo Caawa ku Geeriyooday Hargaysa
March 9, 2018 - Written by Editor:TACSI MADAXWEYNE IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Kornayl Cismaan Cawad Xaashi (Cismaan Dacas) oo ku geeriyooday caawa oo ay taariikhdu ahayd 09/03/2018, magaalada Hargeysa. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey mujaahid, ka baxay qaranka iyo guud ahaan shacbiga Somaliland, isagoo marxuumku door muhiima ka soo qaatay halgamadii kala dambeeyey, dib u dhiskii dalka iyo aas aaskii ciidamada qaranka oo uu ka mid ahaa dadkii seeska u dhigay ciidan Qaranka Somaliland, isagoo marna ahaa taliyaha ciidanka Qaranka. Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, ciidamada qaranka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyskii, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. Aamiin Aamiin Aamiin Maxamuud Warsame Jaamac Afhayeenka Madaxweynaha JSL.
Related posts:Tahriibayaasha oo la Ogaaday in Lagu Khasbo in ay Xubnahooda Jidhka Iibiyaan si ay Yurub ugu Galaan DAAWO; Booliska Oo Xashiishad Gacanta Ku Soo Dhigay iyo Taliye Fadal Oo Digniin U Diray Dhalinyarada Gudoomiye Ciro Oo Safar Ugu Baxay Magaalada Berbera Booqashana Ugu Tagay Eheladii uu Ka Baxay Taliye... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|