Madaxa Shirkada Dp World Oo Sheegay In Aanu Khusayn Go,aanka Barlamaanka Somaliya Soo Saareen | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxa Shirkada Dp World Oo Sheegay In Aanu Khusayn Go,aanka Barlamaanka Somaliya Soo Saareen
March 15, 2018 - Written by Reporter:

Dubia (W,N):- Madaxda Shirkada Dp World Suldaan Axmed Bin Sulaymaan oo shir jara,id ku qabtay Magaalada Dubia ayaa waxa uu sheegay in Shirkadiisa aanu khusayn Go,aanka Baarlamaanka Soomaaliya Soo Saaray.

Capture

Suldaan Axmed Bin Sulaymaan ayaa waxa kale oo uu sheegay inaanu garanayn Sababta Dawladaha Jabuuti iyo Soomaaliya ay u qaateen Go,aanada uu sheegay in ay qalafsanyihiin.

 

Sidoo kale waxa uu Suldaanku sheegay in mashaariicda Somaliland ay ka fulinayaan ayna joogsanayan oo ay shaqadooda kasii wadayaan Somaaliland, waxa uu sidoo kale sheegay in sanadkan Shirakadu dhibaatooyin badan kala kulantay Africa sida Dekeda Dooraale ee Dalka Jabuuti ee laga caydhiyay halka Soomaaliyana ay sheegtay in ay ka madnuucday Soomaaliya.

 

Dhankaa kale Suldaan Axmed Bin Sulaymaan oo shir jaraa,id ku qabtay Magaalada Dubia ayaa waxa uu kaga hadlay dakhliga guud ee ay samaysay Shirkada Dp World sanadkii la soo dhaafay ee 2017-kii kaas oo muujinaya sare u kac dakhliga Shirkaada ah oo gaadhaya 8%.

COMMENTS
LINKS