Kala Duwanaanshaha Axmed Siilaanyo VS Muuse Biixi . | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kala Duwanaanshaha Axmed Siilaanyo VS Muuse Biixi .
March 26, 2018 - Written by Editor:

 Axmed siilaanyo Heerkiisa aqooneed iyo Taariikhdiisa oo kooban.

Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo , Wax uu ku dhashay 1936- dheryaley oo ka tirsan balli dhiig  G/ Togdheer, waxbarshadii hoose  waxa uu ku dhamaystay  Shiikh waxabarshadii sare waxa uu ku qaatay camuud, illaa heer jaamacdeed Kadib waxa uu u kici timay 1957-dii ingiriika, waxaanu sii watay waxbarshadiisii sare, 1958-dii ilaa 1960-kii waxa uu London ku qaatay waxbarshadii diyaar garowga, jaamacad (Advanced Level)  sanadii 1960-kii waxa uu waxbarashadiisii jaamacdeed ka bilaabay Manchester ee dalka ingiriiska waxaanu bartay cilmiga dhaqaalaha waxaanu 65-kii dhamaystay waxbarashadii jaamacadeed  waxaanu qaatay shahaadada Masterka

Mr siilaanyo intaa kadib waxa uu kusoo laabtay dalkiisii  la odhanjirey jamhuuriyada dimoqraadiga somaliya, kasoo qabtay xilal wasiir sida wasiirkii maaliyada, wasiirkii qorshaynta, wasiir ganacs, waxa uu ahaa gudoomiya gududa dhaqaalaha, waxaanu mar labaad noqday wasiirkii ganacsiga. 1965kii wuxuu xilal kala duwan kasoo qabtay Wasaaradda Qorshaynta ee dalkii la isku keen odhan jiray Somalia

1969kii-1973kii Mr. Siilaanyo wuxuu ahaa Wasiirka Qorshaynta 1973-1978 wuxuu ahaa Wasiirkii Ganacsiga 1973-1980 wuxuu ahaa guddoomiyaha guddida Dhaqaalaha ,1980-1982kii wuxuu mar labaad noqday Wasiirka Ganacsiga ee dalkii Somalia.

Mr. Siilaanyo oo kamid ahaa aasaasayaashii ururkii SNM ee ka socday Dhinaca gudaha Soomaaliya ee wakhtigaas, ka dib markuu u adkaysan waayey dhibaatadii iyo dibin daabadii Siyaad Barre ku hayey ummadda Somaliyeed gaar ahaana kuwa kasoo jeeda Somaliland, wuxuu sannadkii 1982kii go’aansday inuu dalka ka baxo oo ka qayb qaato halgankii dhinaca ka ahaa kaligii taliye Siyaad Barre si ummadda looga xoreeyo nidaamkii kali talisnimo.

Isla intuu Mr. Siilaanyo joogay London wuxuu (lecturer) ka bixin jiray Jaamacado ku yaal Ingiriiska iyo Maraykanka, waxaanu u olalayn jiray qaddiyada xornimo u dirirka ee uu gadhwadeenka u ahaa ururkii SNM.

== Halgankii snm iyo doorkii uu kaqaatayIsla markuu Mr. Siilaanyo dibadda u baxay wuxuu ku biiray halgankii dheeraa ee ummadda lagaga xoraynaayey taliskii Siyaad Barre waxaanu SNM kasoo qabtay xilal kala duwan. Isla sannadihii 1982-1984 wuxuu noqday guddoomiyaha ururkii SNM ee laanta London. Wuxuu kaloo intuu London joogay u doodi jiray xuquuqda aadmiga ee ku tacadiyi jiray taliskii markaas talada hayey waxaanu la shaqayn jiray ururada xuquuqda aadmiga ee African Watch iyo Amnest International. == Mr. Siilaanyo oo ahaan jiray guddoomiyihii hore ee SNM 1984-1990 waxaa Lagu tilmaamaa inuu yahay guddoomiyii ugu wakhtiga dheeraa uguna fir fircoonaa ee soo qabta talada ururkii SNM. Intuu SNM ka madaxda ahaa wuxuu ururku guul balaadhan kasoo hooyey halgankii ballaadhnaa ee Shacbiga Somaliland ku qaadeen taliskii hore ee Siyaad Barre.

Ururkii SNM oo lagu tilmaamo inuu sababay burburkii nidaamkii hore ee kali kataliska ahaa ee Siyaad Barre, ummadda reer Somaliland u horseeday inay mar labaad xorriyadooda lasoo noqdaan. Waxaana dadka qaarkii u arkaan  in Mr. Siilaanyo  laba daraale ninkii markaas ay iska soo horjeedeen ee Siyaasad Barre ku eryaday hadal iyo xirfad, dhinaca siyaasadda gudaha iyo dibadana uu albaab walba kasoo xidhay.

Hankii iyo hiigsigii siyaasdeed iyo maraaxilkeedii kala duwanaa Axmed Siilaanyo

Waa halgamaa halyey ah’ kana mid ahaa dhaq-dhaqaaqii u horeeyey ee hogaanka u qabtay SNM kuna darsaday khibrad aqooneed iyo siyaasad boqol weji leh, waxa uuna soo maray xilal kala duwan dawladaii rejiimkii siyaad barre, sidoo kale waana geesi birr ma geydo ah, oo gurmad siyaasadeed, guubaabo iyo  gurmad gacan ka dirirba ka geystay gobonimo u dagaalankii geyiga Somaliland.  waxaanu ka mid ahaa asaasayaashii xisbi siyaasadeedka kulmiye bud dhigay dhidibadana u taagey , May-2002-dii. taasoo uu kaga mid noqday saddexda xisbi ee qaran ee sharciga ah. Ujeedooyinka ururkani Waa qaar si dhab ah uga turjumaya himilooyinka dadweynaha reer Somaalilaand higsanayo (aspirations of the people of Somaliland) .  Marka la ga tago ugu yaraan 200 oo siyaasi oo uu Siilaanyo sameeyey oo aaney ku jirin inta askarta ahi – Axmed Siilaanyo waxa uu xukunka saaray oo uu Madaxweynayaal ka dhigay saddex Madaxweyne.

1990 waxa uu keensaday oo uu guddoomiyihii SNM ka dhigay Cabdiraxmaan Tuur oo uu 61 cod oo uu deegaankiisa ka keenay ku boqray. Waxana uu afka ciidda u daray Eng. Maxamed Xaashi iyo Professor Ibraahim Maygaag oo iyaga hal deegaan ka soo wada jeeday. Inkasta oo codad aad u yar oo shan ah uu Tuur ku helay talada.

Cabdiraxmaan Tuur sidii ayuu Madaxweyne ku noqday mar labaad markii dalka la qabsaday. Axmed Siilaanyo Cigaal ayuu haddana deegaankiisa si weyn u ga dhex ololeeyey 1993 – inkasta oo Cigaal Somaliland doorashadiisa u dhammeyd – haddana Axmed gacan weyn ayuu ku siiyey Cigaal in uu maamulkiisu shaqeeyo.

Isla 1997 Siilaanyo waxa uu taageeray Cigaal – inkasta oo aannu deegaankiisa cod u ga keenin – haddana ma uu nasan oo deegaannada Harti, Ciise, Arab iyo Sammaroon kama uu lug qaadin. Abaalkiisii waa kii Cigaal wasiirkii ugu tunka weynaa u cimaamaday 1997 ee Maaliyadda iyo Qorshaynta Qaranka oo isku lammaan u dhiibay

waxaa Waxa uu yeeshay weji siyaasadeedka lagu magaacabo (phase of the moon Politician)

Axmed Siilaanyo waxa uu lahaa labo xigmadood. Tan hore waa awoodda siyaasi sameynta ee loo yaqaan “Figure Making” iyo awoodda cid kale boqridda “King Making” oo iyadu ah tan la gu noqdo “phase of the moon”.  Muuse biixi ma noqdeen madaxweyne hadaan axmed siilaanyi raali ka ahayn. Waa xaqiiq.

Muuse Biixi Heerkiisa  Aqooneed iyo Taariikdiisa oo kooban.

Muuse Xuseen Cabdi Xildiid  Waxa uu dhashay 1948-dii  waxa uu ku dhshay tuulo galbeed ka xigat hargeisa,  waxa uu waxbarashadiisii hoose dhexe ku qaatay hargeisa, waxa uu u wareegay camuud oo waxbarashadii ku dhamaystay.

1970-kii waxa uu ka midnoqday ardeydii loo-qaatay in loo-soo tababaro carbiska , saraakiisha oo uu ku soo-qaatay waddanka’ ruushka’ Akadammiyada-barashada cilmiga duulimaadka diyaaradaha gaar ahaan nooca dagaalka (Fighter-bomber aircraft-M28). Soo- Muuse-Biixi markale waxa uu aqoontiisa dhanka ciidanka cirka ku soo-qaatay waddanka Maraykanka kuliyadii –(Virginia Military Institute -VMI) Kooras kooban oo-ahaa mudo hal-sano iyo badh. Muuse-Biixi intaasi waxi ka danbeyey waxa-uu-u xuubsiibtay dhankii kacdoonkii xaq u dirirka ee-SNM.xiligii uu qaatay go’aankii snm waxa-uu ku guda jiray waxbarashadii u-markaa u joogay waddanka maraykaynka oo bil-keliyi uga hadhsantahay in uu dhameeyo soona afjaro.Muuse-Biixi intii uu maraykanka ku sugnaa waxa ay xidhiidh hoose lahaayeen Raximullah Maxamed Xaashi-Lixle oo ay balan hoose lahaayeen. Kumana soo laaban somaliya wakhtigii oo soo dhamaystay waxabarashii waxa uu si toosa uga dagey wadankaasi itoobiya,

Hankii iyo hiigsigii siyaasdeed iyo maraaxilkeedii kala duwanaa ee Muuse biixi.

Nuuse Biixi waa mujaahid u hiiliyey dalkiisa hillin halaq mareen habeen gudcur ah’ u guday  una hiimbaday , waa halyey u hibeeyey ruuxdiisa dalka,  kuna biiray halgankii dagaal ee horta lahaa hillaadii 1985-kii.  Waxa uu yeeshay han iyo hiigsi madaxweyne.  isla markaana waxa uu is ka sharaxay xisbigii faca-weyn ee kulmiye, kadib markii uu booska taraxay Axmed siilaanyo, oo uu talada qarankan gacanta ku hayay muddo ku siman  8-sanadood. waxa uu caleemo saaray muuse biixi, isagoo u carbiyey siyaasada, gacan gacalnimo iyo mid gobonimoba ku garab siiyey, si uu guul uga gaadho doorashada Somaliland.  Isagoo muuse biixi dhawr mar  ku kiciyey mucaarado iyo rabshado, hadan axmed siilaanyo dheg jalaq uma siin ee garab buuxa waxa uu ku siiyey, inuu hankiisa madaxnimo u rumeeyo xisbigana si’ bilaa shuruuda ugu wareejiyo.

haa waxaa la yidhi waa jaahil, waa nin aftaag badan, waa nin qabweyn, oo aan maarayn Karin siyaasada midabada badan ee Somaliland, waxaana sidoo kale lagu daacaydeeyey inaanu ahayn codkar, si farshaxan iyo aqoon leh, uga hadla fagaarayaasha iyo golayaasha  isla markaasna hadalo, xanaf, xajiin, iyo deelqaafa,  ku  qudbadayn jirey wakhti ololeedkiisi. Kadib hawl adag iyo hamrasho badan, oo lala garabtaagnaa hiil, hoo,  hoga tus iyo hillin hag siyaasadaysan. Waanad ka war qabtaan maalintii uu axmed siilaanyo qaniinyada kasii daayey.  Muuse biixi waxa uu ugu danbayn hantay kursigay madaxnimo ee dalka, kadib waxaa soo waajahay xaalado siyaasadeed oo aad u adag

.Waa maxay Faraqa U dhexeeyaa se maxay ku kala duwan yihiin.

Faraqa u dhexeya labadan masuul anoo aragti dhexdhexaada, ugu faalloonaya  mudane axmed maxamed maxamuud siilaanyo waxa uu kaga khibrad iyo waayo aragnimo badnaa siyaasada , mudane muuse biixi cabdi,  xaqiiqo ahaana labadan shakhsi waxa ay da’ ahaan kala weyn yihiin 12-sanadood, hayeeshee markaad eegto ama dhuuxdao sanadaha ay kala weynyihiin maaha mid saa u’ sii buuran waxaa la odhan karaa waa ay wada gaashaan qaadeen, hayeeshee, waxaa lagu kala tagey aragtida, fikirka, ficilka, firfircoonida, iyo go’aan qaadashada kartidu ku lamaantahay. muuse biixi culuunta uu bartay  waa culuun ku aroorta ciidanimada mana aha shakhsi waxbarasho rasmi ah, oo maamul, maarayn  iyo hogaamineed habeen iyo dharaarba qalin u qaatay si’ uu u barto, sidoo kale maaha shakhsiyad u dhuun daloosha siyaasada sidoo kale maaha mid aan is bar-bar dhigi karno labadani masuul, habkooda iyo hanaankooda hogaamineed, siyaasadeed, taariikheed, waxbarasho, kartiyeed, kas basho shacbiyadeed, iyo saamaynta  siyaasadeed, ee ay ku leeyihiin mujtamamaca Somaliland iyo somalidaba iyo guud ahaan gobolka geeska afrika. Muuse biixi waxaa si hagar la’aan ah uu ugu tiirsanaa hagaha siyaasada Somaliland ee mudane siilaanyo waxaanu ka mid yahay xaqiiqatan muuse biixi Ardayda Axmed siilaanyo, gunaanadkii axmed maxamed maxamuud siilaanyo iyo muuse xuseen cabdi xildiid maaha, laba lays bar bardhigi karo.  Sidoo kale waxa uu’ si  iAamba qaaday kadib hanashadii kursiga nidaamyadii siyaasadeed iyo waxqabadyadii qabyada ahaa ee xukuumada siilaanyo ka tagtay,  sidoo kale daliilada ugu cad ee aad arinkaa kaga tusaale qaadan karto,  marka aad is bar-bar- bardhiga ku samayso labadani masuul,  xukuumadahay soo kala hogaamiyeen, muddadii 100-cisho ahyd ee ugu horaysay, waxqabadyadii iyo xeerarkoodii nidam siyaasadeed, oo aad ukala fog  sida ku suntan jaantuska siyaasadeed ee taariikhdu maraga ka tahay.

Allaa Mahad leh.

W/Q: fadxi garaad ciise uk

Cont: aqoonyahanfadxi@gmail.com or +252 63 4001631

 

COMMENTS
LINKS