|
|||||
WAJAALE NEWS
“Ina Cali Waraabi Wuu Dhaafay Heer Xaal Laga Bixiyo Afkiisa Markaa Jabuuti Nabar Gardarrro Alleh Ha Uga Dhigo” Cali Guray.
March 1, 2018 - Written by Editor:“Jabuuti Sabab Uu Ina Cali Waraabe Afkiisa Dheer Ula Galo Isaga Oo Weliba Iska Dhigaya Inuu Somaliland Hiil Uyahay Wax Anigu Aan ka Siisan Karo Maaha” Cali gurayHARGAYSA(W,N) Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) ayaa si adag uga jawaabay weedho faysal cali waraabe ku weeraray dalka jabuuti kuwaasi oo u ku tilaamay in aanay ahayd kuwo somaliland hiil u ah balse ay ujeedadiisu tahay uun dhaameel raadis Sidoo kale Cali Guray Ayaa faysal cali waraabe ku eedeeyay in uu xataa baabiiyay xisbi qaran oo uu ka dhigay weel uu dhaameel ku raadsado Cali guray ayaa qoraal uu arimaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee Facebookga WUXUNA UDHIGNAA SIDAN; FAYSAL LULIHIISII JABUUTINA LA DOONAY. Ina Cali Waraabe yaa ku yidhi ama la qaba ama uu ku metili karaa Jabuuti hadii ay DP World eriday waxay wax yeeshay Somaliland oo aan difaacayay. Armay danta Somaliland sidan ku jirtaa sida aan aniguba u qabo waayo DP World waxa keliya ee u furani waa inay danayso Berbera in ka badan intii hore si Dekedda Berbera ay u gaadhsiiso heer ay si run ah ula tartami karto dekedaha kale ee gobolka. Taasina waxay ku kelifi kartaa in ay u badheedho maalgelin ka badan intii hore hadii kale waa laga adkaaday ayay noqonaysaa saamigii ay ku lahayd Dekedda Dooraale ee Jabuuti waxa laga yaabaa in Shiinuhu diyaar u yahay inu u celiyo ilayn Dooraale may lahayn ee dadkii lahaa ayuun baa la wareegaye. Anigu dhacdadan waxan u arkaa fursad cusub oo Somaliland hadii ay garato wax u soo kordhin karta. Markaa Jabuuti sabab uu Ina Cali Waraabe afkiisa dheer ula galo isaga oo weliba iska dhigaya inu Somaliland hiil u yahay hadalkiisu wax anigu aan ka siisan karo maaha labada go’aanka Jabuuti ayaa uga dhaw hiil ayaan is leeyahay. Markaa Faysal lulihiisa wuu sitaa oo xisbi qaran oo dhan ayuu ka dhigtay lule uu kolba cidii uu kaga daadsan karo iyo geedkii dhaameel lehba uu isla hoos taago, laakiin markan mala madhan buu degay. Dawladda Jabuuti iyada ayaa xaq u leh go’aamadeeda gaarka ah waxa masuul Somaliland ah adkiisa u geeyaana waa qalad laakiin Ina Cali Waraabi wuu dhaafay heer xaal laga bixiyo afkiisa markaa Jabuuti nabar gardarrro Alleh ha uga dhigo, CALI GURAY COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|