|
|||||
WAJAALE NEWS
Heshiiska DP World, Somaliland Iyo Ethiopia Wadagaleen 1/3/18 Wuxuu Buriyey Ansixintii Heshiiskii Hore
March 5, 2018 - Written by Reporter:Ma Weecsin Beegsin mise Aloos iyo Agaasin Danbe !! Ma Qataabsi ama Qurbaani.. Mise Qadhaabsi iyo Qudh-Qudho joogto? Ma midigays iyo Oodeys ! Mise Gown iyo Maquuno kale !! Boowe …Malaa….Waa Qaliban !! Mise ..Waaba Suke ! Mise ..Waa Deman iyo Daad wararac !! Mise Xaalku waa Doog dhabasho iyo Doogsin carar !! intaasina waa iga arar dadab galkeedii ee bal aan hoos u dego !!….
Dekeda Berberi Waa isha Dhaqaalaha dalka, Waa difaaca madax-banaanida dalka, waana gor-gortanka iyo xidhaha Siyaasadeed ee ictiraaf raadinta Jamhuuriyada Somaliland sidaa daraadeed waa in ay inoo goysaa qiime ka badan 30%. Waa in ay inoo go’ysaa ictiraaf, waa in ay inoo go’ysaa in passaporkeena UAE ka lagu galo !! Waxaa Dekeda Berbera qaybteeda hore oo 300 mitir ah bilaash inoogu dhisay Dawladii Federaalka aheyd ee Ruushka 1964 – 1968 .Waxaa Qaybta labaad oo 350 mitir ah bilaash inoo dhisay Dawlada Mareykanka sanadkii 1982, Taa soo dhererka Dekeda Berbera ee waqtigan ka dhigaysa 650 mitir . labada wadan ee hore umaalgeliyey Dekeda berbera waxay biyaha badda Dekeda hoos uqodeen ilaa iyo 11m, halka cabirka moolka hoose ee Dekedaha casriga ah ee Aduunku yihiin ilaa 15 m. Hadaba su’aashu waxay tahay maxaa dekedan qiimahaa leh laynoogu bedelay oo laynoogu qiimeeyey ? Ma waxaynu siisanay Deked yara balaadhin ah oo 440 mitir ah oo aan la garaney goorta la dhisaayo? ma waxaynu siisanay saldhig melateri iyo colaad iyo Dagaal aaney dani inoogu jirin ? bal adba !! Bal aynu dib u yara milicsano Heshiiskii Wareejinta Dekeda Berbera ee Xukuumadii Siilaanyo la gashay Shirkada DPWorld taariikhdii 9/5/2016 Heshiiskan oo ahaa laba dhinac Saamiyada waxaa loo qaybsaday sidan DPWorld oo leh 65% iyo Somaliland oo leh 35%, heshiiskaa nuxur kiisa Saamileyda qodobkiisa 15-aad ee saami qaybsigu wuxuu dhigayey in aaney labada dhinac midna iibin karin saamiyadeeda 5 sanadood ee hore taas oo heshiiskii sadexgeesooska ahaa ee dhawaan DPW, Somaliland iyo Dawlada Ethiopia wada galeen taariikhdii 1/3/2018 ka dhigaysa heshiis qayrul sharci ah. Waxaa kale oo shacabka Somaliland liqi kari waayeen qodoban hoose oo u baahan in ummadda loo bayaamiyo: 1- Waxaa la sameeyey shirkada Somaliland investment Company oo aan loo soo marin dariiqii sharciga ahaa ee shuruucda dhismaha shirkadaha Somaliland. waxaa laysku raacay in shirkadani ay hoosta kaga lingaxantahay heshiiska DPWorld oo lagu ugaadhsanaayo. Waxaa aqoonyahanada fo’aan araga ahi isku wada raaceen in Saamiga 30% ee Somaliland loo guntay aanu sax aheyn kana turjumeyn in Somaliland Dekeda Berbera iyadu leedahay. Waxaana laga dhawaajiyey in mar hadii ay DPWorld leedahay Saamiga ugu badan oo ah 51% taa soo u saamaxaysa in ay yeelato xubnaha boodhka ugu badan sidaa daraadeed ay beri cidii kale ee ay doonto ka sii iibin karto kuna wareejin karto. Waxaa nasiib daro ah in heshiiskan uu weli mugdi iyo mad-madow badani ku gedaaman yahay sidaa daraadeed waa in heshiishkan dib loogu soo celiyaa kefedii sharciga oo Golaha Baarlamaanka la hor keenaa si ay u naaqishaan ugana doodaan ka dibna u ansixiyaan. Boowe waxaan idiinku soo garoocayaa maanta , Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|