Hay’adda ICRC Oo Sheegtay In Muqdisho Lagu Dilay Sarkaal U Shaqeynayay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adda ICRC Oo Sheegtay In Muqdisho Lagu Dilay Sarkaal U Shaqeynayay
March 30, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho (W,N) – Hay’adda caalamiga ah ee Laan-qayrta Cas ICRC ayaa sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda uu u dhintay dhaawac ka soo gaadhay qarax ka dhacay Muqdisho.

 

2018330636579715581631515ice

War- saxaafadeed ay soo saartay ICRC ayey lagu sheegay in ninkaasi uu u dhintay dhaawacyo ka soo gaadhay qarax lagu xidhay baabuur uu saarnaa.

Qaraxan ayaa maalin ka hor ka dhacay agagaarka magaalada Muqdisho kaddib markii miino nooca gaadiidka lagu dhajiyo ah loogu xidhay Gaadhiga.

Xarrakada Al-shabaab ayaa iyagu sheegtay in ay ka danbeeyeen Qaraxa lagu fuliyay gaadhiga ee uu ku dhintay sarkaalkan ka tirsanaa hay’adda ICRC.

Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Abdulhafid Yusuf Ibrahim, waxaana sidoo kale Qaraxa ku dhaawacmay labo ruux oo kale.

 

COMMENTS
LINKS