“Hadii Sababo Xisbiga WADDANI Keligii U Gaar ah Uu Ku Qaadaco Doorashada Cid Ku Qasbi Kartaa Ma Jirto”,Cali Guray | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Hadii Sababo Xisbiga WADDANI Keligii U Gaar ah Uu Ku Qaadaco Doorashada Cid Ku Qasbi Kartaa Ma Jirto”,Cali Guray
March 30, 2018 - Written by Editor:

Doorashaduna kuma Burburayso ka Maqnaanshaha Xisbiga Wadani”

 GAR BAA LOO YAHAY ISLAAM

Marka hore waxan leeyahay “Ilaahayow aqoonna ha igu cadaabin eexna ha iiga tegin”

Horta Sedexda Xisbi Qaran waxay Xaq Dastuuri ah u leeyihiin Inay ka Qaybgalaan Doorashooyinka Dalka laga qabanayo oo dhan Sabab kasta ha ku timaado eh Xisbiga isagu sabab u gaar ah keligii ku go’aansada Inuu Qaadaco Doorasho la qabanayo cid ku qasbi kartaa ma jirto Hore Ayay inoo soo martay Oo UDUB isaga Oon Xisbi ahaan odhanin waan Qaadacay ayuu ka baaqdaday uun inu Musharixiintiisii soo gudbiyo mudadii sharcigu ogolaa waana ta markii dambe noqotay sababta Mawdkiisa. Laakiin tani malaha way ka duwanaan doontaa tii Golayaasha Degaanada ee Xisbiyadu ku soo baxayeen, Halkii uu Udub ka baxay waxa soo galay Xisbi kale oo WADDANI la yidhaa.

Hadaba hadii sababo Xisbiga WADDANI keligii u gaar ah uu ku qaadaco doorashada cid ku qasbi kartaa ma jirto Doorashaduna kuma burburayso ka maqnaanshahooda marka sharcigu shaqaynayo ee ciddii Danaynaysay inay isu sharaxdo kuraasida Barlamanka ama Gole Deegaan waa muwadiniin xaq u leh xataa kii iska soo sharixi lahaa Xisbiga qaadacay Doorashada wax u diidaya inu Xisbiyada kale ee Doorashada ka qaybgalaya uu iska soo sharaxo.

Arintan Koomiishanka waynu naqaan sida ay marka hore ku yimaadaan laakiin marka uu Baarlamanku ansixiyo waxay noqonayaan Hay’ad sharci ah. Xubnaha guddidu waxay leeyihiin muddo-xileed sharci ah mana aha wax ciddii soo magacowday ay hadana markay doonto sabab la’aan ka saari karto guddida oo xubin kale ku soo bedelan karto xataa kuwa uu Madaxwaynuhu soo magacaabay. Xubintu hadii ay iskeed isu casisho oo laga aqbalo waa sideeda, hadii dembi lagu cadeeyona waa halkeeda oo sharciga ayaa la marinayaa ciddii markii hore keentay ayaana xaq u yeelanaysa inay soo bedelato labadaa wixii aan ahayn ee kaleba sharci maaha.

Kala dirista uu Waddani codsaday ee Madaxwaynuhu ka diiday may lahayn sababo lagu aqbali karo haddii uu Madaxwaynuhu ka aqbali lahaana anigu waxan u arki lahaa xadgudub iyo sharci darro Waayo hadii sababtu ay la xidhiidho Doorashadii keli ahayd ey qabteen Ilaahay waxan la hortegayaa inay ahayd tii ugu saxsanayd lix Doorasho oo dalka ka qabsoomay oo lixdaba aan goobjoog u ahaa mid walbana sidii ay wax u dhaceen aan ogahay ee la iiga sheekaynin. Markaa Ilaahay baan idinku dhaariyay eh ma waxa cadaalad ah in lagu ciqaabo Komishankan waxay qabteen Doorashadii ugu wanaagsanayd ee abid ka dhacday Somaliland?

Qaladka anigu aan ogahay ee Koomiishanku ay galeen wuxu ahaa in Doorashadii oo ay gayaan Natiijadeedii oo sax ah cid sife sharciga waafaqsan uga soo cabatayna aanay jirin hadana todoba maalmood ay ku dhawaaqista natiijada u hakiyaan iyaga oo tixgelin aan sharciga waafaqsanayn cid gaar ah siinayay.

 

CALI GUREY

COMMENTS
LINKS