|
|||||
WAJAALE NEWS
Habka Dhaleeceenta Ama Cambaaraynta Saxan W:Q/ Eng Mahbuub Hussein
March 31, 2018 - Written by Editor:Waan idin salaamay dhamaantiinba akhristow meelkasta aad joogtaanba. Inta aan maqaalkan bilaabin Kahor waxaan jeclaan lahaa in aan inyar idiinka iftiimiyo waxa igu kalifay in aan ka faaloodo arintan Kor Ku xusan taas oo ay sabab u tahay, markii aan arkay in bulsha waynta somaliyeed, Gaar ahan dhalinyaradda ama qofkasta oo Bini Aadam ah La Dhaleeceeyo oo la Cambaareeyo Ama Uu Wax Dhaleeceeyo oo uu Cambaareeyo Isagu, haboontahayna in loo dhigo dhaleeceenta curinteeda iyo xalinteedaba Mid Xirfadaysan oo Aqoonaysan oo aan ahyn iskala soo bood uu. sidaas darted waxaan jecleestay in aad ila wadaagtaan Qormadan kooban ee aan ka Qoray Arimaha kobcinta iyo dhisida nolol hagaagsan oo aan wax qodax ah lahayn. xxxxxxxx Qodobadiina waa Sidan:- 31/3/2018 Waxaa dhacda in badanaa inta aynu noolnahay aynu la kulano dhaleeceen ama eedo lagu soo jeedinayo dariiqaydoonto hasoo martee. Ma samaynaa waxa inala gudboon ee aynu uga faa”idaysan karo dhaleecayntaa ama eedaa la ino osoo jeediyo? Eedaynkasta iyo dhaleeceenkasta oo la inoo soo Jeediyaa waa shay muhiim ah waa hadii aynu rabno inaynu horumarino nafaheena horena usocono, sidaa daraadeen waxaa loo baahanyahay in aynu soo dhawayno oo qaabilno qofkastoo dhaleeceen inoo soo jeediya. Midna ogow akhristow shaksi kasta oo mujtamaca kugu xeeran ka mid ah uma qiimaynayo Naftaada sida aad adigu u qiimaynayso. Dadkuna waxa ay kuu dhaleeceen karaan ama kuu eedayn karaan si toos ah ama si aan toos ahayn ba. Xaaladan adagna waxaa lagaaga baahanyahay inaad noqotid mid dhagaysta dadka iyo asxaabtaada ku dhaleeceenaysa, ama eedaha kusoo jeedinayaan,ixtiraama oo qaatana dhaleeceentooda. Markasta oo uu qof ku dhaleeceeyo ama ku cambaareeyo waa inaad u qalbi furnaataa dhaleecayntaadaas adigoo eegaya waxa ay ku leeyihiin dadka wax dhaleeceenaya, ee aan eeggayn qaabka ay kuugu soo gudbinayaan dhaleeceentooda. Waa inaad baadhis ku samaysaa aarraa”da cad ee lagu soo jeedinyo, sidoo kalena waa inaad dajisaa qorshe aad uga faa”idaysanyso dhaleecayntaas ama cambaarayntaas. Halkan hoose waxaan kugula wadaagi doonaa Afar qodob oo Lagaa rabo marka Shakhsi dhaleeceen kuggu soo tuuro ama ku cambaareeyo waxaad Samaynlahayd:-
Hadaba Akhristoow hadii aad tahay qof jecelin uu wax dhaleeceeyo ama mid La Dhaleeceeyaba waxaa kula haboon in aad u martid hab xirfadaysan oo aqoonaysan dhaleeceentada curinteeeda iyo xalin teedaba. Gabagabadii maqaalkayga oo noqondoona mid taxanaa aanan uga hadlidoono insha alah nolosha qeebheeda kala duwan sida : (Siyaasada, Waxbarashada,guurka,jacaylka,iyo sida uu qof kasta oo inaga mid ah u dhisi karo noloshiisa hadaba heerka uu karaba isagoo marnaba ka tagayn tawakalka Alle SWT.
وَاسْتَعِينُواْ بِالصَّبْرِ وَالصَّلاَةِ وَإِنَّهَا لَكَبِيرَةٌ إِلاَّ عَلَى الْخَاشِعِينَ ) Waad Mahadsantihiin Mahbuub Hussein Ismail Email: engmahbuub@gmail.com Tell: 063-4331708 / 065-9309754 Burao Somaliland Facebook: https://www.facebook.com/MrBurao COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|