Duruufaha Adeg Ee Siyaasada Dibbada Somaliland Waxay Tabaysaa Dibloomaasi Garanaya Oo Ka Dabaalan Kara. Qalinka: C.S.F(Jeesto). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Duruufaha Adeg Ee Siyaasada Dibbada Somaliland Waxay Tabaysaa Dibloomaasi Garanaya Oo Ka Dabaalan Kara. Qalinka: C.S.F(Jeesto).
March 23, 2018 - Written by Editor:

Dabcan Dalkii Yaraa ee Dunidu ka Dhaga-adeygtay Ilaahey baa u soo dubeeyey Caalamka dhamaantiina waxa uu ku hayaa Isha, Sababtuna waa marinka Ilaahey ku uumey, Soomaalidaa tidhaahda (Ilaahey Ninkuu Xoolo Siinayo Dadkeeduu Siiyaa), Macno ahaan marka wax lagula doonayo meel wacan iska filo si aad waxaasi u hesho manfaciisa.

ahmedsamatara

Ha ka nixina kalmada Duruufaha ee aan soo qadimey waayo ma jiraan dhibaatooyin waaweyni balse waxa jirta in maanta dalkan Somaliland kaalin muhiima ku jiro oo uu horumarey, Isagoo ka mid ah Garabyada siyaasada caalamka isku hayey waliba Garab-weyn uu la safan yahay, Hadaba tani ayaa u baahan Siyaasada, Istaraatajiyad, Qorshe iyo iney wax uga yaalaan Umuuraha Geeska iyo kuwan Caalamkaba.

Maanta ma xuma Hay,ada dalkan u qaabilsan Arimaha Dibbadu balse waxa ka dhiman hogaamiye khabiir ah oo Dajiya Umuuraha macaamilaadka khaarajiga maadaama aan la macaamilayno Dunida, Kaasoo khabiir u ah sida uu Dr. sacad cali shire khabirka ugu yahay Shirkadaha iyo dajinta Horumarinta (Planing Development), Markaa taasi uun baan kaga dabaalan karnaa wixii mad-madaw inagaga soo hagaaga Xulafooyinka aan kala raacney, Waayo waxa dabino maleegi doona dawlado jaarka ah oo qaarkood u adeegaan dhinacyada kale arinteenana ka xun.

Markaa si looga sii foojignaado dulaankaa siyaasiga ah ee Duwelka jaarkeena qaar damacsan yihiin waa in aan helaa qorshe cad (Definate Articles Of Foreign Policy), Ama ay umadeenu uga bad-baadaan sharka ka aloosma hinaasaha horumarka Somaliland, Hada waxa la arkayey diyaarado jasiiradaha Somaliland dul heehaabaya kuwaasoo ah macnahoodu dhoola-tus cid aan si toosa u ogahay Dawladuna ila fahmayso, Waana bilawga dagaalada siyaasiga ah ee soo waajahaya horumarka iyo darajada Somaliland ay gaadhey.

Wasaarada Khaarajiga Somaliland waxay jaanis u heshay martabad caalamiya lama areg wali yadoo cid wax weydiisanaysa, Imika hadii ay dawlada Imaaraadka ka dalban lahayd Diyaaradihii Difaaca wey helaysay, Balse waxaan jirin ama aan u oolin wax qorshe abaabulan ah kaasoo la xidhiidha horumarka amniga gudaha iyo kan dibbada, Maxaa yeelay horta dibbadu ha danbeysee waxa muhiimada leh tan gudaha aad baaney muhiim u tahay inaan helno Diyaarado difaac.

Amuurta xaas-xaasi ka dhigtey iney wadamada inaga soo horjeedaa dagaal inala galaan waxa weeyaan Dawlada Itoobiya waxay Dunida ka qaadatey Qandaraaskii (Afro-International Trade), Ama iney noqoto Suuqa jaan-gooya ganacsiga Afrika halka aan inagu (Somaliland ahaan), Nahay wadadii wax soo marayeen waliba tii ugu haboonayd ama caalamka meel kastaba ugu dhaweyd een lahayn wareeg iyo waxyaalahaasi.

Markaa sababta arintani waxay dhalinaysaa markaan noqono Marinkii Ganacsiga afrika ineynu yeelano Cadawyo siyaasadeed oo jaarkeena ah kuwaasoo dhinaca kale taageersan sida hada muuqata, Sidaa darteed waxa lagama maarmaan ah iney Wasaarada KHaarajigu dadka ka il horeyso, Waayo dunida kaga indho-indhaynta iyo dul-meerka waxa qaabilasan wasaaradan hadiise dadkeedii ay waydo xataa waxay inagu kalifeysaa inaan waxaa yareen helnay seegno.

DHinacaasi waa istaraatajiyadii dhinaca kale waxa loo baahan yahay Aqoon Hab-maamuuseed oo ku tacaluqda (Paratacolka), maadaama ay wufuud kala gadisan kala wadamo ah balse inala Xulafo ahi inagu soo wajan yihiin, Awaamiirtanaa waxa fareysa Xulafo ahaanta ama isu dhinaca aregtida Dhaqaalaha Iyo Siyaasada, Arinkanina waxa uu u baahan yahay dad aqoontoodii leh waayo xiliyada qaar wufuuda Somaliland yimaada qaar baa cadhoolda hab-maamuuska.

Safarada dibbada iyo casuumadaha wasaarada khaarajiga Somaliland ay hesho waxay intii ugu danbeysay qaldayeen halka ay kaga beegan tahay Hab-maamuus ahaa ama baratakool ahaanba, Taasina waxay muujinaysaa biseyl la,aanteena sidaa darteed waxaan imanayey wax maxsuul ah ama ujeedo ah in laga gaadho safar dhan oo la baxay waayo waxaa la qaldey Istaraatajiyadiisii , Dunidu sidaa waxba kuma taageerto ilaa la tooso oo taxadka iyo dhabarka laga jabo taasaa kuu sahlaysa inaad is-af-garataan cidaad u tagto.

Hadaba si aan uga bad-baadno waxyaabo badan oo halis ku ah Siyaasadeena Amuuraha Dibbada waa inaan helnaa khabiirkeedii inaga saari lahaa Kaderta, Xaga wasiir Sacad Cali Shirana hoos u dhacu waa isaga waayo ma,aha dublamaasi maareyn karaya xaladahaa murugsan ee u baahna in loo babac-dhigo oo la galiyo maskax iyo juhdi la mida kan cadawgeenu inagu soo qaadeen.

Bal aan soo qaato tusaale yar oo gaaban bilawgii muranka marsada caalamiga ah ee Ber-bera ayaa waxa inagu dayey duufaano la xidhiidha dacwado caalamiya Wasiirka Khaarajiga Soomaaliya Mr.cawad, Halka dhigiisa Somalilandna iskaa jawaabe xataa anuu ogeyn markaa waxaan soo jeedin waa halkii ninkiiye inenta Saluugaye (Gacalnimo Hadaad Naga Rabtaan Gosha Noo Doorsha), Oo u dhigan Sacad Cali Shire Noo Doorsha.

Waxa yadna maalintii dhaweyd Ee Safarka Madaxweyne Biixi ee imaaraadka ka muuqatey Inaanu Wasiirku waxa maamuusa ama door ah ku lahayn arimaha qaranku u xushay isaga ee ay ka mid yihiin , Ku hadalka afka xukuumada iyo ka war-bixinta wufuuda baxaysa iyo kuwa soo galaya inataba waxa ka war bixiyey Wasiir aan shaqadaa lahayn, Halkaa waxa nooga muuqatey inuu Sacad fashilmey isagoo dhawr jeerna salaanka ka siibtey.

Arintan Xukuumada Madaxweyne Biixi kuma dhaliilna ee waxa ku dhaliilan oo ku ceebaysan ninka khibrada loo tuhmayey ee wasaradan loo igmadey oo noqdey shakhsi sidii shaqaalaha oo kale ah, oon waxba ku soo biirin Wasiiradii loo dhiibey intuu joogey, Halka uu meelaha kale ahaa hawl-kar balaadhan oo aad u shaqeeya waajibkiisana guta balse wasaaradani muujiyey inaanu Aqoon Iyo Af-garad u lahayn.

Ugu danbayntii waxaan talo ahaan soo jeedin lahaa anigoo in badan darsay oo baadhey dhamaan hooska-liiga Amuuraha Dibbada dalkani inuu yahay arintaasi, Waa in la keenaa nin dibloomaasiya oo garanaya dhagax walboo soo dhaca dhagaxii loo dhigi lahaa dalkana u sameeya si taariikhda u gasho (Strategy Of Foreign Relations And Policy Decipline), Kaasoon cid walba kula macaamilo.

 

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS
LINKS