Doon Ganacsi Oo Dab Ku Qabsaday Nawaaxiga Dekedda Boosaaso+Sawirro | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doon Ganacsi Oo Dab Ku Qabsaday Nawaaxiga Dekedda Boosaaso+Sawirro
March 19, 2018 - Written by Reporter:

Boosaaso (W,N) – Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Doon sida shixnad ganacsi ay ku gubaneyso agagaarka Dekeda Boosaaso.

Doontan oo ka timid Imaaraadka Carabta ayaa u rarnaa Ganacsato Soomaali ah, waxaana goor dhoweyd laga war helay, iyadoo uu dab qabsaday.

Waxaa soconaya dadaallo la doonayo in lagu badbaadiyo shixnada saaran Doonta gubaneysa.

Sidoo kale Sarkaal sare oo ka tirsan Dekadda Boosaaso oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in doontu ay waday Shidaal oo u rarneyd ganacsato Soomaali ah.

Dhanka kale Magaca doonta ayaa lagu sheegay Nuur Saabir, waxayna u rarnayd ganacsato reer Puntland ah.

 

doon2 doon 1 doon3

 

COMMENTS
LINKS