Daawo-Shirkada Laydha Caasimada Hargeisa Oo Waxba Kama Jiraan Ku Tilmaantay In Kooto Dawladu ugu Xidhay Laydhka Dalka.
March 14, 2018 - Written by Editor:
Hargeysa:(W.N):-Shirkadda laydhka ee Sompower ayaa ka warbixisay adeegyada muhiimka ah ee ay bulshada u hayso,waxaanay tilmaantay in adeega shirkaddu bixisaa uu yahay mid macaamiisha iyo bulshada ku dhaqan caasimadda Hargeysa ay kaga raysteen caqabadihii iyo dhibaatooyinkii ka haystay dhinaca adeega laydhka,sidoo kale shirkadda Sompower ay qiimo aad u jaban adeega laydhka ku siiso bulshada,islamarkaana muwaadiniintu ay aad u soo dhaweeyeen adeegan hufan ee shirkadda Sompower bulshada u qabato.
Dhinaca kale masuuliyiinta shirkadda Sompower waxay waxba kama jiraan ku tilmaameen warar sheegayay in xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland ay kooto ugu xidheen adeega laydhka,gaar ahaan shirkadda Telesom oo Sompower ku eedaysay in bixinta laydhka kooto loogu xidhay.
Mid ka mid ah saraakiisha sar sare ee shirkadda Sompower oo warbaahinta la hadlay ayaa si qoto dheer u faah-faahiyay kaalinta laxaadka leh ee shirkadoodu u hayso bulshada,waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay xubno ka mid ah shirkadda Telesom usoo jeediyeen shirkadda Sompower,wararkaas oo ay ku sheegeen in xukuumadihii kala dambeeyay ee Kulmiye adeega laydhka ay kooto ugu xidheen shirkaddan.
C/salaam C/llaahi Aw-Cali oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Sompower ayaa sharraxay waxqabadka iyo adeegyada muhiimka ah ee shirkaddani u hayso bulshada isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi,”Shirkan jaraa’id waxan kaga hadlayaa shirkadda Sompower iyo marxaladihii ay soo martay,shirkadda Sompower waxay ka koobantahay 35 shirkadood oo yaryar oo markii hore laydhka ka shidi jiray magaalada islamarkaana isutagay, si loo horumariyo adeega koronto ee Somaliland loona yareeyo khataraha ka dhalan kara isdhexyaaca korontada ee dabka sida, kuwaas oo markii hore shirkadaha yaryar dhibaato wayn ku hayay oo khasaare naf iyo maalba lehna soo gaadhsiiyay, taasina waxay sababtay in shirkadahaasi ay isku biiraan oo midoobaan,waxa kale oo shirkadda Sompower ay qayb laxaadle ka qaadatay shaqo abuurka dalka iyadoo shaqaalaysiisay in ka badan 1000 shaqaale ah oo si joogto ah uga hawl gala shirkadda,iyadoo ay jiraan shaqaale kale oo wakhtiyo gaar ah shaqeeya”Ayuu yidhi.
Sidoo kale waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaymo ay usoo jeediyeen shirkadda Telesom oo sheegayay in kooto loogu xidhay shirkadda Sompower waxaana hadalkiisii ka mid ahaa,”Waxa caddayn idiin ku filan oo aad aragteen xadho ay leedahay shirkaddu oo dhulka daadsan una baahan in la dhamaystir o oo dhulka laga qaado,sidaa darteed haddii ay jirto in korantada kooto loogu xidhay Sompower xadhkahaas daadsan ayaanu dhulka ka qaadi lahayn oo aanu hagaajin lahayn,hadalka ka soo yeedhay Telesom-na waa mid aanay waxba ka jirin oo shirkadda waxa ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee dalka ka hirgaliya adeega laydhka”.