Daawo: Madaxweynaha JSL Oo Magaalada Dubia Ka Furey Xafiis Ganacsi Oo Somaliland Lee Dahay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daawo: Madaxweynaha JSL Oo Magaalada Dubia Ka Furey Xafiis Ganacsi Oo Somaliland Lee Dahay
March 19, 2018 - Written by Reporter:

Dubai (W,N):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, intaanu ka soo ambo bixin Isu-tagga Imaaraadka Carabta waxa uu booqday rugta ganacsiga ee Dubai oo ku taala magaalada Dubai, sidoo kalena madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxa fulinta ahna agaasimaha rugta ganacsiga Dubai iyo gudoomiyaha rugtaasi, waxay si wada jir ah u daah-fureen xafiis cusub oo ay Somaliland ku yeelan doonto Dubai una qaabilsanaan doona rugta ganacsiga oo ay Dubai Ruqsadiisa Jamhuuriyadda Somaliland siisay iyadoo ka wakiil ah imaaraadka carabta.

Sidoo kale waxa madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi halkaasi kula hadlay saxaafadda caalamiga ah oo ku sugnayd isla goobtaasi isagoo sheegay madaxweynuhu in xafiiskaasi uu muhiim u yahay labada shacbi ee Somaliland iyo Imaaraadka una sahlayso isu socodka arrimaha ganacsiga la xidhiidha, waxaanu xafiiskaasi ahaanaya mid ay maamulkiisa boqolkiiba boqol dawladda Somaliland leedahay.

 

halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/tioBYCmYNio

 

COMMENTS
LINKS