|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO; Madaxwaynaha Somaliland Oo Caawa Shir Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Shir Gudoonka Labada Gole Iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid.
March 29, 2018 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Somaliland Oo Shir Saddex Geesood Ah La Qaatay Shir-gudoonka Barlamaanka Iyo Hoggaanka Xisbiyada Mucaaridka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa caawa kulan la qaatay shir-guddoonka labada gole qaran ee guurtida & wakiillada iyo xisbiyada mucaaridka ah, waxaana uu kulankani daarranaa sidii qaran ahaan mawqif midayan looga yeelan lahaa tallaabooyinka ay dawladda Soomaaliya muddooyinkan dambe kaga soo horjeedsatay maal-gashiga iyo horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay. Madaxweynuhu isagoo si taxadar leh ula socda hagar-daamooyinka iyo tallaabooyinka horumar nacaybka ah ee ay Soomaaliya qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland iyo dimuqraaddiyadda ka hana qaadday ku diiddan tahay, waxa uu shir-guddoonka iyo xubnaha xisbiyada mucaaridka ah metelayey ku lafo-gureen kulankaasi sidii arrimaha soo kordhay isku duubni iyo wada-jir ummadeed loogu qaabili lahaa, isla markaana loo dhawri lahaa midnimada shacabka iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland. Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay shir-guddoonka labada gole iyo hoggaanka axsaabta mucaaridka ah, ayaa waxa goob-joog ka ahaa guddoomiyayaasha goleyaasha guurtida iyo wakiillada, Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Baashe Maxamed Faarax, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Mudane Faysal Cali-waraabe iyo wasiirrada wasaaradaha arrimaha dibadda iyo xidhidhka goleyaasha, Mudane Sacad Cali Shire iyo Maxamed Xaaji Aadan, waxaana uu madaxweynuhu xubnaha la wadaagay muhiimadda ay leedahay sidii talo midaysan oo qaran, isla markaana sal ballaadhan looga yeelan lahaa gardarrada ay Soomaaliya sdai daba joogga ah ugu hayso qarannimada Somaliland. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo kulankan qaran ee lagu marti-qaaday ka cudur daartay, isla markaana aan kasoo qaybgelin.
ALLAA MAHAD LEH Maxamuud Warsame Jaamac Af-hayeenka Madaxweynaha JSL. Related posts:DAAWO;-Fanaaniinta Qaranka Jsl Oo Ka Hadlay Xaaladooda Nololeed Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada. Shil Gaadhi ka dhacay Jidka Isku Xidha Wajaale Iyo Kalabaydh Oo Sobobay Khasaare Dhimasho Iyo Dhaawa... "Beesha Caalamku Waxay Noo Sheegeen Inuu Madaxwyne Biixi Dhamaynayo Arinta Komishanka" Gudoomiye Fay... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|