|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamo La Wareegay Xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya
March 16, 2018 - Written by Reporter:Muqdisho (W,N) – Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay xaruntii Baarlamaanka Soomaaliya sida uu sheegay Xog-hayaha guud ee baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux. Xog-hayaha ayaa sheegey in aan lagu soo wargalin ciidamada cusub ee la geeyay xarunta gollaha Baarlamaanka, isaga oo intaa ku daray in xarunta laga qaaday ciidamo Boolis ah oo si gaar ah mas’uul uga ahaa ilaalinta xarunta iyo xildhibaannada Golaha. ‘’Baarlamaanku ciidamo gaar ah oo Booliis ah ayuu leeyahay, ciidamada cusub ee la geeyay xarunta Golaha Baarlamaanka ma’aha ciidamo nalagu soo war-galiyay ama Annagu aan dalbaney, ayuu yidhi’’ Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux. Mar wax laga weydiiyay bal in maalinta Beri ah uu qabsoomayo kulankii baarlamaanka, ayuu yidhi’’ Mar haddii ay xaaladu sidan tahay kulan ma jiro ayeey noqon kartaa, waayo xasarad ayaa kacsan oo xaruntiiba ciidamo ayaa la geeyay, marka kulan ma jirayo. Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wali siweyn ugu kala aragti duwan mooshinka laga keenay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari, inkastoo guddiga joogtada ah ee baarlamaanka uu sheegay in hab sharci ah uu ku buray mooshinka oo waayay sida ay hadalka u dhigeen tiradii loo baahnaa in uu ku dhaqan-galo. Related posts:DAAWO;-Xog-waranka Hawlgalkii Ururka SNM Ka Fuliyeen Jeelka Mandheera 1983.Qaybtii 2aad Iyo Doorkii ... Masuuliyiinta Ugu Sareeya Shirkada Laydhka Ee Sompower Ayaa Waxaba Kama Jiraan Ku Tilmaamay Warar Sh... DAAWO; Madaxwayne Siilaanyo Oo Kulan Balaadhan La Yeeshay Badi Masuuliyiinta Xilalka Ka Haya Xukumad... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|