|
|||||
WAJAALE NEWS
Ciidamo Gadoodsan Oo La Wareegay Xaruntii Wasaaradda Maaliyada Ee Degmada Qardho
March 4, 2018 - Written by Reporter:Qardho (W,N) -Warar ka imanaya degmada Qardho ee gobolka Karkaar ayaa sheegaya in ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa maamul gobolleedka Puntland la wareegeen xarumihii Wasaaradda Maaliyada iyo Bankiga Puntland ku lahaa magaalada Qardho. Sida wararku sheegayaan ciidamadan ayaa amar ku siiyey shaqaalaha xafiisyada labadaas xarumood iney joojiyaan shaqada kana baxaan, iyagoo shaqaalihii goobahaas ka howlgalayeyna ay u hogaansameen amarkan. Gadoodka ay sameeyeen ciidamadan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo cadho ka dhalatay mushahar la’aan dhowr bilood soo jiitameysay oo heysata iyagoo doonaya iney Maamulka Puntland cadaadis ku saaraan sidii mushaharkooda loo siin lahaa. Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa bilaabay iney kulamo la qaataan saraakiisha ciidamadan gadooday si ay ugu qanciyaan iney xeryahooda ku laabtaan, iyagoo u sameynaya balan-qaadyo la xidhiidha iney heli doonaan xuquuqdooda. Ma’aha markii horeysay ee gadood noocan ah ay sameeyaan ciidamada Puntland, iyadoo inta gadoodka noocan ah uu inta badan ka dhasho mushahar la’aan ciidamada soo wajahda dhowr bilood. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|