|
|||||
WAJAALE NEWS
“Cagabaruurada Muqdisho Dagaal u Hadhsani, Ma Jiro Inta Ay Sameeyeen Wax ka Badan Oo Ay Samayn karaana Ma Jirto”
March 29, 2018 - Written by Editor:KA XOOGSO OO ISKAGA DHOOF! War la’aan baa col hoday. Cagabaruurada Muqdisho dagaal u hadhsani ma jiro inta ay sameeyeen wax ka badan oo ay samayn karayeen ama samayn karaana maba jirto oo yaguba way ogyihiin. Laakiin Somaliland iyo heshiiskii sedexgeesoodka ahaa ee horumarinta dekedda Berbera wax saamayn ah haba yaraato eh uu dagaalka qaawan ey ku soo qaadeen uu yeelay ama yeeli karaa ma jirto. Way yidhaahdeen oo wax yidhaahde oo la maqal. Waxa badan inta la yaabtay ama ku qososhay waayo waxa laga filayay inay ka hadlaan dhibaata dawlad la’aanta ee Somaliya ka jirtay 28kii sanadood ee ugu dambeeyay iyo xal u helisteeda yaaba uga fadhiyay inay ka hadlaan arin aan iyaga gacantoodba ku jirin ciddii ay gacanteeda ku jirtay ee ka talinaysayna waa dawladda Somaliland eh ay ogoshahay heshiiskana dhinac ka tahay iyaguna aanay iska hortaagi karin. Ilaa iyo intii ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda xukuumadihii magac u yaalka ahaa ee kala dambeeyay tan mooyaane kuwii hore wax uun bay xeerin jireen laakiin kuwan cadaawadda ku jirtaa waa ta ilaa Golaha Ammaanka geysay. Maxayse ka filayaan ma in Golaha Ammanku qaraar(resolution) ka soo saaro uu isku hortaagayo horumarinta dekedda Berbera? Caqligooda waaba laga yaabaa. Hadda wax keliya ee tacabkoodu u gooyay, hadii ay jecel yihiin iyo hadii ay neceb yihiinba waa colaad ay mar kale maanta dib uga dhex huriyeen dadka soomaalida ah dhexdooda. Farmaajo malaha wuxu u haystaa in Berbera uu amaano inoogu dhiibay adeerkii Siyaad Barre? Hadaba ha soo doonto amaanadii anaga ayaa u hayna eh muxii kolba gidaar isugu qaadayaa! Hadaad Madaxwayne tahay oo adigu aad Berbera ka taliso soo badheedh oo kaalay. Faan waynaa Xamar buu dhuumasho kaga baxay oo dhuumasho lagu saaray dembigii uu galaya soomali oo dhan baa og waxanu ahaa Kufsi. Halkii uu dembigaa ku galay ayuu maantana Madaxwayne ayaan ahay ka leeyahay. Halkaasi Somaliland maaha dadka taa ka ogolina reer Somaliland maaha. Inta uu walaaqan karayo Muqdisho ha iska walaaqdo ugu dambaysta Baasaaboorka jeebadda dambe ugu jira intuu la soo baxo kiiyoo degdeg salaanka dayuuradda u qabsaday oo ka duulay Muqdisho ayuun baa u dambaysa dhibaatadana dadka uu leeyahay Madaxwayne ayaan u ahay ayuu uga tegi doontaa intii uu lacag urursadayna dibaddaha ayaad ku jalamsan doontaa buu is leeyahay. Madaxnimada Muqdisho taal ayaaba ah ka xoogso oo iskaga dhoof.
CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY) COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|