“Baroortu Orgiga Ka Weyn” Maseerka Soomaaliya, Muraado Caalamiya, Iyo Somaliland Oo Ka Soo Mudh Tidhi Mandaqadii. Faalo:- Qalinka:C.S.F (Jeesto). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Baroortu Orgiga Ka Weyn” Maseerka Soomaaliya, Muraado Caalamiya, Iyo Somaliland Oo Ka Soo Mudh Tidhi Mandaqadii. Faalo:- Qalinka:C.S.F (Jeesto).
March 14, 2018 - Written by Editor:

Jamhuuriyadii Somaliland waxay maanta heshay jaaniskii ugu muhiimsanaa waayo waxay ka mid noqotey Khilaafkii dunida hada ma,aha kii Mandaqada waxay si toosa uga diwaan-gashan tahay wakhti-xaadirkan Xulafooyinka Dunida isu haya waliba Xulafada ugu quwada badan ee ay majaraha u hayaan Dawladaha Waaweyn ee kala ah.

  • United Arab Emirates
  • United State Of America ( U,SA)
  • Sa,udi Arabia
  • Ethopia
  • England
  • France
  • German
  • Kenya
  • Belgium

Waxaan yara xusey qaar ka mid ah balse Xulafadani kuma dhama intan waxa jira wadamo kale oo ka mid ah kana awood iyo tayaba badan kuwa halkan ku xusan.

Halka ay federaalka soomaaliya ka taalo waadhka ugu liita dhinacyada ku loolamaya Danaha caalamiga iyo waxan la yidhaa (Global Strategy,ga), Kuwaasi oo kala qaybsadey dunida oo u maal-galiya cidii ay ku tuhmaan danahooda si ay uga fushadaan saaxiibtinimo iyo xidhiidh balaadhana la sameysta kuna darsada liiska ay Xulafadoodu tahay, Dawlada federaalku yadoo sheegata iney Somaliland ka mid tahay wadanka soomaaliya oo bur-bur iyo Aafooyin ragaadiyeen, oo meel kasta ka daba qaylisa ayaa waxa soo baxey jaanisyada dhinacyada dunida ku loolamaya oo ay Somaliland doorkeedi ciyaartey si ay u hanato albaab uu caalamku ka soo galo yada, Labadan wadan waxa kala furtey, kala ambabixiyey waa xulafooyinka ay kala raaceen Nasiib wanaag dawlada federaalku waxay iska dhiibtey Firqadan ay hogaaminayaan Wadamadan soo socda.

 

  • Qater
  • Turkey
  • Russia
  • Djabouti
  • China
  • Japan
  • Polan
  • Maser
  • Italy

Kuwana maan dhameystirin balse waa qaar ka mid ah Xulafada labaad ee dunida maanta loo kala qaybiyo , waana ta la dagtey maanta Soomaaliya ee ay Somaliland doorkeedii uga faa,iideysatey.

Kala raacida xulafooyinka caalamiga ahi waxay Somaliland u saamaxaysaa inay yoolkeeda aqoonsi-raadis u fududayso waayo kudladahan Caalamku waxbay kala riixanayaan taasina waxay jaanis weyn tahay Dawlada Somaliland oo maanta caalamkii ka dhago-adeygay dhamaantii u baahan yahay oo yada loo soo kala badinayo Sababtuna ay tahay Marinka Caalamiga ah ee ay Somaliland ku taalo (Red Sea Strategic Marin Of Inter-contnental), Waa qodabka u saamaxaya in Somaliland ay caalamku u soo kala badiyaan kuna dadaalaan hanashadeeda ta labaad marka arinkaa laga tago waxa yadna soo galey Somaliland qorshe ay fulinayaan Xulafada qaybta ay rafiiqa yihiin wadanka guunka ah Ethiopia.

Meeshan waxa ku jira muraad weyn oo balaadhan kaasi ooy leeyihiin Wadanka jaarkeena ama Rafiiqeena koowaad ee caalamka (Ethiopia ) Oo ku qotoma dhinaca ganacsiga maadaama ay dawlada itoobiya ay safka hore kaga jirto wadamada jaan-gooya ganacsiga Geeska-afrika, hadba aregtida wadanka itoobiya waxay si aad ah u damaqdey wadanka isla Geeska ku yaala ee Djabouti oo si weyn uga naxay waayo dawlada (Ethiopia) waxay jaanis weyn siisey dawlada ay jaarka yihiin ee Somaliland taasi oo noqon doonta halka suuqa caalamiga ahi ka kala gooshayo dhinacyada (Europe, Asia Iyo Afrikada kaleba), Dawlada Djaboutina waxay jaaniskan ku weyday (Chinaha) hada ka yagleelay saldhiga Milatery (China Milatery Base), Halka yadna ay dawlada federaalku ku wayday isla jaaniskan Turkishka yada dagen ee ka sameystay saldhiga ugu weyn meel ka baxsan dalkiisa (Turkish Milatery Base In Somalia), Oo isna dano dhaqaale iyo suuq raadis ah.

Arinta maal-galinta Dekedda Ber-bera port waa mid caalamiya oo u adeegaysa danaha xulafada dawlada (AUE,du) ay ku jirto fulinaya hadaba dagaalada labada xulafo ee arintani waxay si toos uga kala socdaan wadamada (Qater Iyo Emirateka) kuwaasoo midba dhinaciisa ka jafayo isla markaana maleegayo qorshe midba midka kale uu ku mijo-xaabinayo, Sida dhawaan ayey aheyd markii uu safar ku yimidey Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibbada Mareykanku wadamada (Djabouti Iyo Ethiopia) todobaadkii ina dhaafey kaasi oo ay jabuuti ka wada xaajoodeen arimahan ka dibna u sii dhaafey dhinaca Itoobiya isagoo wax ka weydiiyey arimaha maal-galinta ay dawlada itoobiya ku leedahay saamiga.

Ka talaabadii wadanka Ethiopia waxay noqotay iney ku dacweeyaan Wasiirka Wasaarada Arimaha Dibbada Mareykanka (Rex Taillerson) wadanka Emirateka , yada oo uu Emiratekuna u sii gudbiyey wadankii (United State Of America) Aakhirkiina xilka lagaga qaadey isagoo safar kaga maqan Mareykanka , Wasiirka Amuuraha Dibbada dalkaasi Mareykanka ayaa lagu tirin jirey dibloomaasi u adeega wadanka (Qater) Ama ay ahaayeen saaxiib xidhiidh dhawi ka dhaxeeyo waana amuurta uu xilkiisii ku waayey (Mr. Rex Taillerson), Halkaa waxa ka cad miisaanka iyo baaxada xulafanimo iyo sida ay isu qadarinayaan xulafadani isku danaha ahi.

Inkasta oo ay dagaalka ku horeysay dawlada (Qater) maadama ay dalkeeda ku taalo Jaamacadii Carabtu waxay isugu yeedhay kal-fadhi aan caadi aheyn kaasoo lagu gorfeeyey dacwad ay Soomaaliya ku soo qaadey wadanka (Emirateka) Kuna saabsanayd iney dalkeedii u dhaaftey dawlada Soomaaliya , Waliba ku xataa la casuumey safaarada dalka (Ethiopia ) ee Qater ku taala oo dhawaan dib loo furey ka dib xidhitaan wakhti hore safaarada waxa ku suganaa Qunsulka, Isaguna wuu ka gaabsadey ka qayb-galka madashaa Jaamacada Carabtu ku casuuntey si su,aalo loo weydiiyo Amuurahan la xidhiidha , Nasiib wanaagse ma ay suura-galin arintaasi iney qabsoonto.

Hadaba imisaan maqli jirney odhaahdii tiraabteedu aheyd (Maqaleey War Laay Ma Laguu Waramey In Cali Iyo Cumar La Diley), Waa dhago la, ama dhugmo la soomaaliya,e, Yadoon warba iska hayn ayey daf tiri seerihii libaaxa maxaase ka gaadhey waana la og-yahay cida ay la safan tahay, Markaa dawladii dulmiga laga galey ee Somaliland waa taa Raxmaanku umadiisa u dubeeyey ee garansiiyey dawgii saxda ahaa iyo dariiqii faa,iidada, Shakina kuma jiro fulitaanka arimahaasi cidii doontaa ha ka hor-timaadee maxaa wacey waxa yaala meesha awoodo is-biirsadey oon cidna u aabo yeelayn, Dalkii Somalilandna sidaasuu ku dhaqaaqey.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Dipolamtic Annalism.

Gabiley/Somaliland.

Source: Ministory Of Foreign Affairs In U.A.E./ Security Council Of United Nations Dailly Reports/ Horn Of Africa Policy Annalysis/ D.P.World

Page.com.

COMMENTS
LINKS