Bangiyada Ganacsi Ee Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Midoobay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Bangiyada Ganacsi Ee Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Midoobay
March 25, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- War-saxaafadeed ka soo baxay midowga Bankiyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in la mideeyay guud ahaanba Bankiyada oo la sameeyay hay’ad mideysa.

Waxaana dib u habayn lagu sameeyay midowga bankiyada Soomaaliya oo ah hay’ad midaysa dhamaan Bankiyada dalka Somalia.

 

2018324636574960890413454-etJOsZu

Dib u habaynta lagu sameeyay midowga ayaa taabanaysa xubnaha ka tirsan oo la balaadhiyay, shuruucdii iyo qawaaniintii hay’adda oo wax laga bedelay iyo hab-dhismedka maamul ee midowga oo isagana wax laga bedelay si uu ula jaan-qaado hab-maamulka casriga ah ee ku dhisan daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka.

Ujeedooyinka iyo himilooyinka Midowga Bankiyada Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah:

Kor u qaadidda iyo horumarinta howlaha Bangiyada Soomaaliya si loo gaadhsiiyo dad weynaha adeeg banki oo udub- dhexaad u noqon kara kobaca dhaqaale ee dalka iyo abuurista fursado shaqo si toos ah, iyo waliba si dadban intaba;

Xeerinta danaha guud ee mideeya Bangiyada iyo in loogu tartamo suuqa si hufan.

Xoojinta Aqoonta iyo wacyiga dadweynaha ee la xidhiidha hab dhaqanka iyo Mucaamalaadka Bangiyada.

Midowga Bankiyada Soomaaliyad waxa uu Gudoomiye u doortay Mr. Abdulrazak Mohamed Ahmed, madaxa Howlaha ee Premier Bank muddo hal sano ah oo ka bilaabmaysa Feb.2018.

Midowga ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan magacaabi doonaa hay’ad fulineed oo meel marisa qorshe sanandeedka midowga isla markaana qabata dhamaan shaqooyinkiisa maalinlaha ah.

Shirkaddaha Midowga Bankiyada Soomaaliya ayaa kala ah:

Amal Bank LTD, Dahabshil Bank International, International Bank of Somalia (IBS), Premier Bank LTD, Salaam Somali Bank,

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS