Arday Reer Somaliland Ah Oo Jaamacadaha Dalka Itoobiya Ka Bartay Dhakhtarnimo Oo Sheegay In Loo Diiday Shahaadadii Iyo Fariinta Ay U Direen Xukuumada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arday Reer Somaliland Ah Oo Jaamacadaha Dalka Itoobiya Ka Bartay Dhakhtarnimo Oo Sheegay In Loo Diiday Shahaadadii Iyo Fariinta Ay U Direen Xukuumada!
March 2, 2018 - Written by Editor:

17 Dhakhtar Oo Reer Somaliland ah Oo Waxbarasho  Culuunta Caafimaadka Ah ka Dhamaystay Dalka Ethiopia, Ayaa  Sheegay In Aan Wali la siin Shahaadadoodii Caafimaadka kuna Xaniban Yihiin Dalkaasi.

Addis Ababa (W,N):- 6 January 2017-KII Ayey Jaamacada Hayaat iyo Bathel Medical College u Qabteen xafladii qalinjabinta Ardaydii Dhamaysatay Waxbarashadii heerka koowaad Ee Caafimadka.

Dhakhatirta Qalinjabisay Waxa ka mid ah  17 Dhakhter oo Reer Somaliland ah Oo Sanadkii 2011-KII Waxbarasho u Doontay Dalka Ethiopia, Sida ay Sheegeen Dhakhaatirta Qaar ka mid ah iyo Waalidiintoodiiba In Aan wali la siin Shahaadadoodii caafimadka kuna Xaniban Yihiin Dalkaasi.

arday reer somaliland ah

Ardaydan Oo ahaa kuwa Iyagu iska bixinayey Dhaqaalihii ku baxay aqoon barashadooda ayaa Sobobaha looga haysto ku sheegay in dawlada Ethiopia kala xeer dhigtay dhakhaatirta  Muwaadiniinteeda ah Ee ay Isku Wakhtiga dhamaysteen Waxbarashada.

Xeerka Ethiopia ee Ardayda  Caafimadka Bartay  ayaa Dhigaya in  Aan la siin Shaahadada ilaa uu laba sano tabaruc ugu shaqeeyo dadkiisa oo daaweeyo kana hawl galo xarumaha dawlada ama waa in uu bixiyaa 80,000 Bir si loo siiyo lisanka dhakhternimada iyo shahaadadiisa.

Dhakhaatirtan oo ku dacwooday in ay yihiin ajaanib soo waxbarasho doontay Somaliland ayaa wasaarada caafimadka ee Ethiopia ku xidhay in dawlada Somaliland soo cadayso oo warqad usoo qorto.

Arintan oo hore ay uga hawlgaleen fududaynteeda wasiirkii hore Ee caafimaadka Somaliland Dr. Xaglotoosiye ayaa is afgarad ku dhamaaday mar uu booqasho ku tagay dalkaasi Ethiopia. Iyada oo xukuumad cusubi Somaliland Ka dhalatay halka Ethiopia xaalad deg deg ah la galiyey  dhawaan ayaa cabsi xoog leh ku beertay waalidiinta dhalay dhakhaatirtan Oo Waalidiintooda  Ku wargaliyey in wasaarada caafimadka ee Cusub ay sheegtay in Arinkan loo gudbiyey Wasaarada Arimaha Dibada walina aanay arag talaabo danayn ah oo xukuumada Madaxwayne Muuse xal ugu raadiso soo furdaaminta 17ka dhakhtar ee reer Somaliland.

Sikastaba ha ahaatee dhakhaatiirtan iyo waalidiintooda ayaa xukuumada cusub ee madaxwayne muuse biixi ugu baaqay in ay wax ka qabato iyadoo xiligan dalka Itoobiya ay ka jirto xaaladado siyaasadeed.

Wariye: Xamse Jirde

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA OFFICE

EMAIL: WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS