Yaa Ka Masuul Ah Qabyada Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Jsl? Faalo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Yaa Ka Masuul Ah Qabyada Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada Jsl? Faalo
February 2, 2018 - Written by Editor:

 Ma Golaha Wakiilada Laftooda Ayaa Masuul ka ah Dib udhaca Doorashada Golaha  ? Ma Madaxwaynaha ? Mise Waa Xisbiyada?

Male Rag waa mudacyo Afkoode,Xilldhibaanada Golaha Wakiilada S/land,ee lagu soo doortay doorashadii Golaha Wakiilada ee dalka S/land ka dhacday,29/9/2005,oo muddadii Sharciga ahayd ka dhamaatay Sideed Sanno ka hor oo ku beegan,29/10/2010. Waxay taariikhdu ka marag kacaysaa in muddo kordhintii u horaysay ay Golaha Guurtidu u sameeyeen,maalin ku beegan 7/9/2010.

Mar Labaad,waxay Golaha Guurtidu,mudo kordhin Laba Sanno ah u sameeyeen Golaha Wakiilada,maalin ku beegan,10/4/2013,iyagoo la is waafajiyay dhamaadka Mudo Xileedka Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo iyo Golaha Wakiilada .

golaha iyo muuse

Mar Sadexaad,waxay Golaha Guurtidu u kordhiyeen Golaha Wakiilada Iyo Xukuumada Madaxwayne Siiraanyo.Muddo Sanad iyo Todoba Bilooda ah,maalin ku beegan,27/5/2015,iyadoo khilaaf Cakiran oo ka dhashay uu gaadhay in Maxkamada Sare Go”aan ka soo saarto,

Go”aankaas oo waqtiga kama danbaysa ee Doorashooyinka Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynuhu ay dhacayaan. Maxkamada Sare u cayintay maalin ku beeganayd.28/3/2017.

Mar Afraad,Ruqe Ninkii lahaa dabada hayaa ma kacee,waxuu Madaxwayne Siraanyo go”aan ku kala reebay,Labadii Doorasho ee uu hore iskugu lamaaneeyay Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha,maalin ku beegan,10/9/2016.

Waxaase xusid mudan,in Sadex Maalmood ka dib.Golaha Wakiilada Ansixiyeen Go”aankii kala reebista labada Doorasho,waxaana taariikhda lagu xusi doonaa in Golaha Wakiiladu iyadoon Ajandaha kall-fadhiga ugu jirin ay Ansixiyeen,Go”aankii Madaxwayne Siiraanyo ee kala reebista doorashooyinka.

Inkastoo wakhtigan,muddo kordhintii Afraad ee Golaha Guurtidu u sameysay,6/3/2017. Golaha Wakiilada ay u hadheen Muddo Toban Bilood ah.Dhanka kale waxay Golaha Wakiilada ku guuldaraysteen in ay sameeyaan,sharcigii lagu soo dooran lahaa Golaha Guurtida oo lagu soo xulay shirweynihii Sadexaad ee Beelaha S/land.Inkasta oo Golaha wakiiladu yihiin,hay’ada kowaad ee sharci dajinta dalka S/land u qaabilsan Samaynta Xeerarka dalka S/land .

Ugu dambayn,waxaa qabyada sharci ee dabarka adag ku xidhay,Doorashada Golaha Wakiiladu iyo taabo galinta Geedi Socodkii Dimuquraadiyada S/land,waxaa Masuul ka ah  Xilldhibaanada Golaha Wakiilada oo ka door biday,in muddo kordhin ka helaan Golaha Guurtida,sidoo kale waxay ku fashilmeen in ay sameeyaan sharcigii lagu soo dooran lahaa Xilldhibaanada Golaha Guurtida,Muddo Labaatan Sanno ah oo Saddex Muddo xileed ka badan,muddo korodhsi ku fadhiyaan Kuraasida,iyagoo isku kordhiya markuu muddo Xiloodkoodu dhamaadaba .

Waxaan hoosta ka xariiqayaa in Sabobta u wayn ee Golaha Wakiiladu ku diidan yahay in ay sameeyaan sharcigii lagu soo dooran lahaa,Labada Gole ee Baarlamaanka S/land ee Guurtida iyo wakiilada,waa rabitaanka Muddo kordhinta Golaha Guurtida.

Waxaase iswaydiin mudan.Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.Ma qabyo tiri doonaa Xeerka Doorashada Golaha Wakiilada ? Ma ka gudbi doonaase dabarka Adag ee ay ku xidheen Xilldhibaanadu Doorashada Golaha Baarlamaanka S/land ee Golaha Wakiilada iyo Guurtida ?

 Qalinkii Iyo Gorfayntii : Abwaan, Sacad X Maxamuud Gadhle . 

 

 

COMMENTS
LINKS