|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Xabsiga U Taxaabtay Dad Ka Ganacsanayay Diinka
February 13, 2018 - Written by Reporter:Hargaysa (W,N):- Xukuumada Somaliland ayaa xabsiga u taxaabtay Illaa 9 qof oo lagu tuhmay in ay ugaadhsanayeen, islamarkaasna ka ganacsanayeen xayawaanka diinka. Diinka oo aanan lahayn cago uu kaga baxsado dadka ayaa dhawaanahan waxaa lagu hayay ugaadhsi ba’an kadib markii sida la sheegay loo heley suuq. Somaliland ayaa hore u mamnuucday ka ganacsiga diinka iyo ugaadhsigiisaba. Wasiirka ayaa laga soo xigtay isaga oo leh “Markasta oo uu weynyahay diinka, waa markasta oo sii qiimo badanyahay, waxaan fahamsanahay in ay adduunkan jiraan dad cuna diinka, raga iyo masaska”. Diinka ayaa waxa uu ka mid yahay xayawaanada adduunka kasii dabar go’aya.
Wariye: Xamse Jirde Wajaalenews.net Hargaysa Office Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|