Xukuumada Somaliland Oo Aan Wax Talaabo Ah Ka Qaadin Haweenay Xilka Haysa Soomaaliya Oo Hargaysa Ku Sugan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Somaliland Oo Aan Wax Talaabo Ah Ka Qaadin Haweenay Xilka Haysa Soomaaliya Oo Hargaysa Ku Sugan
February 22, 2018 - Written by Reporter:

Hargaysa (W,N):- Magaalada Hargeysa waxaa ku sugan Marwo Faadumo Dayib oo isku sharaxdey xilka Madaxtinimada Soomaaliya doorashadii ugu danbeysay ee uu ku guuleystay Madaxweyne Farmaajo.

Capture

 

 

Marwo Faadumo ayaa waxaa Sidoo kale xil ka haysaa Dawlada Madaxweyne Farmaajo iyada oo ku magacaaban madaxa haweenka ee Hay’adda Qaramada Midoobey Soomaaliya.

 

Sidoo kale Gabadhan ayaa magaalada Hargeysa kaga qeyb gashay munaasibadii Xuska Maalinta Dhalinyrada Somaliland ee 20-kii February oo uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu goob-Joog ka ahaa.

 

Dhinaca kale Xukuumadda Somaliland ayaan wali wax talaabo ah ka qaadin Masuulkan ka tirsan Soomaaliya iyo sifaha ay gabadhani ku soo gashay dalka.

 

halkan hoose ka daawo muuqaalka Munaasibadii ay ka qayb gashay oo uu Madaxwayne Muuse Biixi Goob jog ka ahaa

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS