Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Oo Marxalad Adag Galay Iyo Maayarka Oo Safaro Joogta Ah Kaga Muquurtay Kallfadhigii Caadiga Ahaa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley Oo Marxalad Adag Galay Iyo Maayarka Oo Safaro Joogta Ah Kaga Muquurtay Kallfadhigii Caadiga Ahaa.
February 5, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA (W,N) Bishii koowaad ee Sannadka 2018,ayay ahayd markii Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley u furmay kallfadhigii caadiga ahaa oo ay ku ansixiyeen Miisaaniyada Sannadka 2018,ka dibna ay gudo galeen xisaab xidhkii Miisaaniyadii Sannadkii dhamaaday ee 2017,Wakaalada Biyaha Gabiley,Fayo dhawrka,Caafimaadka,Kawaanka iyo Sariimadaha,iyadoo dibada ay u soo baxeen Xill gudasho La”aan,Fadeexado Musuq maasuq iyo ku takri fall Dakhligii soo galay Dawlada hoose ee Gabiley Sannadkii dhamaaday,Waxaana Xusid Mudan in gabi ahaanba uu kaga muquurtay Maayar Maxamed Amiin  safar joogto ah  uu maalin walba ugu soo baxo Magaalada Hargaysa oo cudurdaar uga dhigayo in aanu socon Kalfadhiga Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley.

Xil, gabiley

 Waxaanay sabobeen in Xilldhibaanadu si toos ah Warbaahinta Bulshada Gabiley ugu soo bandhigaan. Xillgudasho La”aan, Xadiga.Musuq=maasuq iyo ku takri fallka uu ku kacay Maayarku.

Waxaana ka mid ah Xilldhibaanada sida tooska ah ugu soo bandhigay:= Xiil Maxamed Aamin Cali Iyo Xilldhibaan Iid Xasan Cabdi,halka  Bulshada G\Gabiley hore ugu soo bandhigeen in uu Xakamaha goostay oo aanu gabi ahaanba ku dhaqmin soo jeedinta Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley,

 Shann Xilldhibaan oo kala ah:= Xill Mahdi Maxamed Xaashi, Xill Mustafe Sayid Abokor,Xill Cabdi Casiis Cabdi laahi Ismaaciil,Xill Nimco Bucul oo ka mid ah Afarta Xilldhibaan ee Gudida Joogtada ah,halka Xilldhibaan Xasan Axmed Maxamed {Dhagjar} oo ka mid ah Afarta Xilldhibaan ee Gudida Joogtada ah uu dhaliilo ba”an Warbaahinta u mariyay Maayarka Gabiley.     

 Inkasta oo Laba Maalmood oo isku xiga Madaxwaynaha S\land iyo Wasiirka Arimaha Guduhu u soo magacaabeen Badhasaab Cusub iyo Xoghayaha Dawlada hoose ee Degmada Gabiley,waxaad moodaa in Waayo cusub u baryeen Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley,iyadoo Sadexdii maalmood ee u dambeeyay ay bilaabeen,loolan ay Xilldhibaanadu Xillka kaga Qaadayaan Maayarka Dagmada Gabiley oo muddo Sadex Sannadood ah Xillkaasi hayay,inkastuu hirdankaasi jiro oo Xillka qaadista Maayarku Gacantooda ku xidhan tahay Maadaama uu gabi ahaanba diiday laxisaabtakii golaha,wallow ay  iyagu markii horeba doorteen,

hadana maaha mid sahlan talaabada ay maanta qaadayaan,

waxaanay u baahan tahay Xillka qaadis Xilldhibaanadu kursiga kaga qaadaan Maayarka Gabiley in la helo Afar iyo toban Xilldhibaan oo ay ka go”an tahay in ay Xillka ka qaadaan Maayarka Gabiley.

Si kastaba ha ahaatee Shir doceedyada Sadexdii maalmood ee u dambeeyay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley uga socday Magaalooyinka Hargaysa iyo Gabiley ayaa ka duwan yihiin Talaabooyin badan oo ay hore u qaadeen Xilldhibaanada Gabiley,waxaanay ku guulaysteen in ay iska dhex qaadaan Caqabadii ugu adkayd ee Maayar Maxamad Amiin Cumar Cabdi u ahayd gabaadka uu ku tiirsan yahay.

 Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley ayaa u muuqda kuwo ku guulaystay in ay soo ururiyaan Hamuunta ay Xilldhibaanadu u qabeen Maayarka badalaya,inkasta oo damaca dhexdoodu yahay ka ugu  adkaa ee ka dhex abuurayay in ay iyagu isku muuqdaan oo xafiiltamaan .

Waxayse noo xaqiijeen ilo xogogaala in Shirar doceedyo Sadexdii maalmood ee u dambeeyay Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley,ay ku guulaysteen in ay iska dhex qaadaan taasi oo wararku tibaaxeen in Toban Xilldhibaan ay qalinka ku duugaan in Maayarka Maxamad Amiin Xillka laga qaadaan.

Ugu dambayn,waxaase hubaala in Aqlabiyada Xilldhibaanada Golaha Deegaanka Gabiley,ay maanta haystaan Fursad ay Masuul Cusub oo Musuqmaasuq ku kicin oo isla jaanqaada Badhasaabka iyo Xoghayaha Cusub uu Horumar u horseedi karo Bulshada Gabiley .        

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS