Wasiiradda Beeraha Qaarada Afrika Iyo FAO Oo Dalka Suudaan Ku Soo Gaba-gabeeyay Shir Muhiim Ah | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiiradda Beeraha Qaarada Afrika Iyo FAO Oo Dalka Suudaan Ku Soo Gaba-gabeeyay Shir Muhiim Ah
February 24, 2018 - Written by Reporter:

Khartum (W,N) – Waxaa Magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Suudaan lagu soo gabagabeeyay Shirka ay ka qeybgaleen Wasiirada Beeraha Qaarada Afrika iyo madaxda hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan cuntada iyo Beeraha ee (FAO).

2018224636550476494851588dhulka-1

Shirkaasi oo ahaa kii 30-aad waxaa kale oo xidhitaankii ka soo qeyb galay Safiirada Caalamka u fadhiya Suudaan iyo waliba sii hayaha Safaaradda Soomaaliya Axmed Ibraahim Burfuule,iyadoo muddada shanta cisho ah ee uu socday looga hadlayay sida ay beeraha Qaaradda Afrika u gaadhi lahaayeen horumarka iyo waliba sida loola dagaalami lahaa gaajada iyo macluusha.

Shirkaan oo dowladda Soomaaliya uu u matalaayey Wasiirka Beeraha iyo waraabka ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Saciid Xuseen ciid ayaa mar uu la hadlaayey Warbaahinta  waxa uu sheegay in shirkaasi  xoogga lagu saaray waxqabadka hey’adda FAO ee dhinaca Soomaaliya iyo dadaalada ku aadan horumarka mustaqbalka dhow oo ah sidii loo dardargelin lahaa  adeegyada beeraha .

COMMENTS
LINKS