Warqad Furan Oo ku Socota Ganacsatada Xidhan Ee Cumar Caydiid Iyo Mr Dheereeye Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warqad Furan Oo ku Socota Ganacsatada Xidhan Ee Cumar Caydiid Iyo Mr Dheereeye Qoraa Cali Dool Axmed (C.Qoryoley)
February 26, 2018 - Written by Editor:

Bismillaahi Raxmaani Raxiim,

Aan Idhaahdee,Waxa Horeysiinayaa,Xusuus Taariikheed iyo Hadal yar oo jalbeebin Maxbuus ah,Haasaawin maxbuusbaan Ujeedaa,Hadaba Nin cumar Adeeradii ka mid Ahaa oo Xuseen Xasan la odhan jiray,ayaa waa hore Jeelka Berbera uu Ingiriisku ku xidhay,dabadeedna illeen ninka ragga ahi markay mushkiladi la kulantoi ayay xigmaddu kusoo degtaaye, gabay dheer ayuu kasoo tiriyay jeelka dhexdiisa,waxa uu ahaa farriin,

ganasade cumar caydiid

Maxbuus oo la yaablahayd,taasoo uu u gudbiynayay Hogaamiyihii xilligaas ee Beelaha deegaankan waa Suldaan Diiriye iyo weliba lataliyihiisii gaarka ahaa ee caqliga uu Xuseen ku tuhmayay waa Maykaag ilka Dheere,waxa uu yidhi,

  • Sir iyo caad samaan iyo xumaan waxaan sameeyaaba
  • Amba waan kasoo saari jiray seymo kii gale e
  • Sahlanaaa amuurtaydu soow lalama sooyaamo
  • Suldaanka iyo Maygaag miyaan sixin waraaqdayda
  • Sahlanaa Amuurtaydu soow lalama sooyaamo,
  • Isagaaba xaajada sirgacan saababayn jiraye
  • Saaxiibkey maxamuud miyaad khabarka loo saafin
  • Martidi socoto goor gaaban oo soofka laga maalay
  • Bakheylbaa sangiigiye hadduu seexdo gurigiisa
  • Sogob gowracaa iyo kolaan gool sirbaha gooyo
  • Soortaan ku haasaawin jiray sahalkii yaa keeni

Waxa Aan Warqad Qorayaa,Aniga oo xusuusan Su,aalihii ay Isweydiin Jireen Maxaabiistii jeelka Hargaysa Aan ku Wada xidhanaan jiray sanadihii 1999kii.2000,2001dii,2002dii,2004tii iyo 2005tii.

Waxan Qorayaa Aniga oo xusuusan Dareenka Qofka maxbuuska ah,

Waxan Qorayaa aniga oo xusuusan Bulshaawinimadii Cumar Caydiid,Aniga oo xusuusan Wax Isu sheegii ama Haasaawihii

siyaasadeed ee Noo Dhexeeyay Aniga iyo Ganacasade Cumar Caydiid Axmed.,Ujeedada warqaddaydan furan waxa

weeye,

1) In aan u Ergeeyo waayeelka iyo Cuqaasha Ganacsadan,kuna Tirtirsiiyo fududeynta ficilkasta oo ay ku keceen

Raggani Iyo inay u Deg degaan Siideynta Maxaabiistaas Xidhan

2) In Aan iyagana u Gudbiyo farriin ku Salaysan Wax Isu Sheegii Naga Dhexeeyay,

3) In Aan xaaaladda Maxaabiistan ku Baraarujiyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane M.B.Cabdi,

Aan ku Horeeyee,waxan saaka la kulmay,Odayaal ka mid ahaa Labada Nin Ee xidhan Cuqaashoodii Ama Waayeelkii

Ardaagooda,Gaar ahaan,Waxan la kulmay Mr Dheereeye Waayeelkoodii,waxan ku Idhi,kol haddii Imika ay 20 cisho ku

Dhowdahay in ay Labadan nin Xidhnaayeen,Maxaad Xabsiga ugu Eeganaysaan oo aad u Dhamayn weydeen Khilaafka u

Dhexeeya C.Caydiid Iyo Dheereeye?

Dabadeedna waxay igu yidhaahdeen,horta xadhiga labadan Ganacsade ma fududa,Amar xagga sare ka Yimmid ayaana Lagu xidhay,Haddiise khasaarihii Gaadhay meheradii Dheereeye Meel la saaro,Oo laga garaabo,Arrinku Xagayaga Wuu ka dhammaan lahaaye,Weli intaasaa Dhiman,

Waxan u qaatay in ay leeyihiin dhinacani,caliyoow cuqaashii iyo waayeelkii ganacsade Cumar Caydiid ayaan nalasoo xidhiidhin, si loo xalliyo arrintii dhacday,haddiise ay nalasoo xidhiidhaan si fudud ayay Arrintu u dhammaan Lahayd!

Sikastaba ha Ahatee waxan leeyahay,Dhinaca Wax laga Tirsanayoow,Dhaqaaq oo ku Horree fidinta Wanaaga iyo siideynta maxaabiista.

Dhinaca wax tirsanayoowna,Haddii Dhinicii kale Gudan Waayay,Waajibkisii Idinkuba ku Horreeya Wanaaga Oo Maxaabiista sii daaya amaba Xittaa Dammiin kusii Daaya,ilaa Inta aad u Garqaadaysaan Ee ay Heshinayaan Labada Nin.

Waxa keliya ee ii hadhay waa in aan,Cumar Caydiid ina abtigiisii uu jeclaa,ee uu u ololeyay ku baraarujiyo,inuu muddo 20 maalmood ku dhow uu Cumar u xidhan yahay,ficil yar oo aanay sakaaro ka biiqsan,bal inuu arrintaas hoos u eego, oo Dhinac kastaba daweeyo ayaan kula dardaarmi lahaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland.

Ilaahaybaa mahad leh

Cali Dool Axmed (Cali Qoryooley).

COMMENTS
LINKS