Warbixin Iftiimisay kaalinta Ay Hay’ada Adams Smith International ku Lahayd Shirkii Wasiirada Ee Ka Dhacay Huteelka Abaarso Iyo Xogo kale Oo Muhiima. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbixin Iftiimisay kaalinta Ay Hay’ada Adams Smith International ku Lahayd Shirkii Wasiirada Ee Ka Dhacay Huteelka Abaarso Iyo Xogo kale Oo Muhiima.
February 9, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Warbixin lagu Daabacay Boga Haayada Adams Smith International ayaa lagu Tibaaxay   in kulankii Wasiirada Somaliland ee Hotelka ROYAL PLACE Ee agagaarka Abaarso ahaa Seminaar xidhiidh la leh Mashaariicda Hay’ada Adam smith Interanational kula wadaagto kaalintii Dawladnimo.

Bishii kowaad ee sanadka ayaa siminaar Madaxwayne Biixi wasiiradii la magaacabay ugu qabtay hudheel duleedka galbeedka Hargaisa ku yaal. Kulankaasi iyo cida gadhwadeenka ka ahayd  dadwaynuhu aad bay u soo dhaweeyeen.. wallow aanay garanayn cida tobobarka bixinaysay.

KULANKII ABAARSO;

Daba gal dheer ka dib waxa ay Shabakada Wajaale News soo heshay xogo sheegaya in kulankasi aanu ahayn mid ka yimi xaga Madaxwaynaha ee uu ka mid ahaa mashruuc hayadeed oo aan laga run sheegin. Shacabkana loo sheegay wixii ay dhagahoodu jeclaysanayeen. Xogtan ayaa markhaati u ah in wali xukumada madaxwayne Biixi hayso Tubtii Dawladii ka horaysay ee waxqabadka Hay’adaha, Dadwaynaha ugu soo Tabin jirtay ka Anamaa xukumadu fulisay. Waa qayl iyo Dameertii Dhashay Xaalku.

Haya’da Adams Smith oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo ajaanib oo heshiis kula jirta waaxda horumarinta dalalka soo koraya ee ingiriiska(DFID) in ay dawladnimada ka caaawiso dalalka bariga Africa wasiiradeeda oo  ay Somaliland ka mid tahay xidhiidhkii loo sameeyey kor u qaadista hawlqabadka wasiirada sida ku cad websitekan: http://www.cabinetgovernment.net/ Hay’adan oo dhaqaalihii Somaliland ingirisku siiyey 2012 ee lagu sameeyey sanduuqa la yidhaa Somaliland Development Fund ayaa kala baxday kaalintii adeega dawlanimo ee xukuumadu fulin lahayd sida horumarinta ciidamada, miisaaniyada iyo cilmi baadhista.

Hadaba iyada oo qandarasyada ay qaadatay ku jiraan mashaaric xasaasi ah oo tayeyn iyo tobabar siinayey ciidanka militariga oo ay ku daabaceen bogtooda internetka. Sida laga bogan karo mareegta hay’ada waxa ku cad in ay soo bilawday sanadkii 2016 sidii ay uga caawin  lahayd dawlada sidii loo tayeyn lahaa shaqada wasiirada laguna tobobari lahaa sidii ay u gudan lahaayen xilkooda. Waxa kale oo warbixinta lagu cadeeyey in hay’adu xafiiska madaxtooyada kala shaqaynaysay sidii  loogu samayn lahaa waxqabado cad oo leh xeer kala haga iyo wakhti go’an oo lagu qabto shaqo kasta. Halkan ka tixraac : http://www.earesearchfund.org/support-evidence-and-research-informed-executive-decision-making-somaliland

Waxa kale oo ay hay’adan baahisay warbixin xasaasi ah oo la xidhiidha sirdoonka  ciidanka militaringa iyo ka xeebaha. Hay’adan oo barteeda internetka ku daabacday in ay Somaliland kala shaqaynaysay mashruuc lagu tayeynayo ciidanka qaranka iyo isla xisaabtankooda gudaha ayaa waxa ka muuqda faashilka sirtii qaranka oo ilaa tiradooda iyo xafiisyadoodu halkay ku yaalan lagu tilmaamay. Halkan ka tixraac oo arag sida dawladnimadii Somaliland iyo sirteedii banaanka loo soo dhigay. https://www.adamsmithinternational.com/explore-our-work/east-africa/somalia/building-capability-and-accountability-within-the-somaliland-army-and-coast

Gabadgabadii waxa ay dadwaynuhu iswaydiinayaan maxaa ku kalifaya in runta loo sheegi waayo oo laga qariyo in hay’adahan qabanaya shaqadii dawlada. Madaxwayne Muuse oo u muuqday wakhtigiii ololaha in uu wax ka qaban doono hay’adaha sida tooska ugu yeeshay dawladnimadii, inkastoo xogtani jidkale uyelyso hadalkii madaxwaynaha  ee magacabistii ka bacdi uu layli siinayo wasiirada,

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WARIYE HAMSE JIRDE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS