Wararkii Ugu Danbeeyay Dhaqdhaqaaqa Ganacsi Ee Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Danbeeyay Dhaqdhaqaaqa Ganacsi Ee Suuqa Bakaaraha Magaalada Muqdisho
February 20, 2018 - Written by Reporter:

Muqdisho(W,N) – Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaa gabi ahaanba xidhnaa dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Suuqa ugu weyn Soomaaliya ee Bakaaraha kaddib markii uu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsatada gobolka Banaadir.

2018220636546839761167763bakaka

Xidhnaashaha Suuqa ayaa saameynta ugu weyn waxaa ay ku yeelatay dadka danyarta ah ee u soo xoogsi tagi jiray Suuqa kuwaa nolal maalmeedkooda ka heli jiray.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa sheegay in ay cabashadooda u gudbiyeen maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay jawaab ka sugayaan.

Saaka ayaa la rajeynaa in dib loo furo inta badan ganacsiga Suuqa sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah ganacstada, inkastoo laga yaabo in xarumo waaweyn ee ganacsi wali sii xidhnaan karaan.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa  kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada Gobolka, waxana ay ka wada hadleen sidii xal maan-gal ah loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay canshuuraha.

Guddiga Ganacsatada iyo Guddoomiyaha ayaa isla falan-qeeyey cabashada ka dhalatay canshuuraha laga hir geliyey Gobolka Benaadir, iyagoo isla qaatay in guddi qiimeyn ah loo saaro sidii xog ururin dhammeystiran loogu sameyn lahaa cabashooyinka ku aaddan canshuurta.

 

COMMENTS
LINKS