War Deg Deg Ah: Ra’iisal Wasaarihii Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn Oo Goordhawayd Is Casilay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah: Ra’iisal Wasaarihii Dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn Oo Goordhawayd Is Casilay
February 15, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (W,N) – Wararka hada naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya soona gaadhaya Xafiiska Warqabadka Shabakada Wararka ee Wajaalenews ayaa sheegaya in daqiiqado ka hor uu xilkii uu hayay iska casilay ra’iisal wasaarihii dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn.

u_113244d_2013-10-13-11-25-54f_breaking_news_1_

Waxa uu sidoo kale Desalegn uu ka tagay guddoomiyannimadii xisbiga talada haya ee Itoobiya ee EPRDF.

Iscasilaada ra’iisal waaaraha ayaa imaneysa iyadoo dalka uu ku jiro qalalaase siyaasadeed iyo kacdoon ay wadaan Qowmiyada Oromada.

“… Waxaan u arkaa iscasiladayda inay tahay arrin muhiim ah oo ku saabsan codsigii si loo sameeyo dib-u-habeyn lagu sameeyn lahaa nabad waarta iyo dimuqraadiyad,” ayuu yiri.

Hailemariam ayaa sheegay in uu sii joogi doono ra’iisal wasaaraha si uu u sii wato awoodda xannibaadda illaa iyo inta uu xukunka haya ee EPRDF iyo baarlamaanka waddanka uu aqbalay iscasilaadiisa, isla markaana magacaabi doona hogaamiye cusub.

 

 

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

 

COMMENTS
LINKS