War Cusub Ujeedada Kulan Uu Maanta Iskugu Yeedhay Madaxweyne Muuse Maayirada Dalka iyo Rajada Mooshinka Kala Dirista Golayaasha Deegaanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Cusub Ujeedada Kulan Uu Maanta Iskugu Yeedhay Madaxweyne Muuse Maayirada Dalka iyo Rajada Mooshinka Kala Dirista Golayaasha Deegaanka.
February 11, 2018 - Written by Editor:

Hargeisa(w.n):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Maanta Kulan Gaara oo Aan Loo ogolaan Warbaahinta la Yeeshay Dhammaanba Maayirada kala Duwan ee Dalka, Ma jir war rasmi ah oo kasoo baxay qodobada ay madaxweynaha iyo maayiradu ka wada hadleen, hase ahaatee ilo wareedyo madax banana oo aanu ka helay qasriga madaxtooyada Somaliland ayaa tibaaxaya in kulankaasi lagaga wada hadlay dardar galinta adeegyada ay dawladaha hoose u hayaan bulshada Somaliland, qorsheyaashooda ku aadan wakhtigan kala guurka ah iyo sidii loogu sameyn lahaa la xisaabtan iyo dabagal shaqada ay umada u hayaan.

Dhinaca Kale Waxaa la sheegay kulankaasi in madaxweynuhu si adag ugala hadlay sidii loo joojin lahaa Hadalada Xanafta iyo Xajiinta Badan iyo khilaafaadka soo noqnoqday ee inta badan lagu arko warbaahinta golayaasha deegaanka dalka.
Hadaba Arrintan ayaa Kusoo beegmaysa Xili dhawaan uun bishii hore golaha wakiilada Somaliland la horkeenay mooshin la doonayo in xilka lagaga qaado qaar kamida maayirada dalka, talaabadaasi uu goluhu ku dhaqaaqay oo dhammaanba badi shacabka Somaliland aad usoo dhaweeyeen una arkaan in dani ugu jirto maadaama uu wakhtigii la doortay dhammaaday, ayaa haddana waxa jira Dareeno Qarsoodiya oo isasoo tarayey sheegayeyna In La Mustafeeyey Xildhibaanadii golaha wakiilada ee hawshaasi waday iyo qaar kamida masuuliyiinta shirgudoonka golaha wakiilada si loo laalo mooshinkaasi xilalka lagaga xayuubinayo maayirada dalka.kaas oo ay doonayaan in ay isku furdaamiyaan laaluush isugu jira dhaqaale iyo dhul oo ay doonayaan inay siiyaan kooxda golaha ee arrintaasi dabada ka waday. Talaabada yeedhamadan madaxweynaha oo daba socota arrintaasi ayaa u muuqta mid dhiiri galinaysa Dhaliishii shacabka iyo mooshinkaaasi golaha la horkeenay, waxaana qodobada sida adag uu ugala hadlay madaxweynuhu daarnaayen sida lanoo xaqiijiyey in wixii ka danbeeya manta dhammaanba maayirada kala duwan marka laga yimaado golaha ay kamidka yihiin lagula xisaabtami doono shaqada ay umada u qabtaan bil kasta dhammaadkeeda.

Si kastaba ha ahaatee Rabitaanka Shacabka Somaliland ee Ku Wajahan Kala Dirista Golayaaasha Deegaanka oo lagu dhaliilayo Inuu Jiro musuqmaasuq Baahsan Oo hadheeyey Adeegyadii kala duwanaa ee ay bulshada u qabanayeen iyo qaraarka golaha wakiilada horyaala ee la doonayo in lagu kala diro, ayaa inkasta oo maayirada qaar guclo orod ugu jiraan sidii ay uga badibaadi lahaayeen mooshinkaasi oo laf dhuun gashay ku noqday,haddana dhinaca kale marka laga eego u muuqda il la gaadhay xiligii laga midho dhalin lahaa rabitaanka shacabiga uu codkooda fadhiyo madaxweyne muuse Biixi Cabdi.

COMMENTS
LINKS