|
|||||
WAJAALE NEWS
Waftiyo Ka Kala Socda Somaliya & Somaliland Oo Gaadhay Emaaraadka Carab Iyo Xogo Xidhiidhiyay Ujeedooyinka Ku lamaan Safarkooda!!
February 27, 2018 - Written by Editor:DUBAI(W,N) Waftiyo ka kala socda Somaliland iyo somaliya ayaa saacadihii ugu danbeeyay xiliyo kala duwan soo gaadhay wadanka Isku taga Emaaraadka Carabta kaasi oo ay kala Hogaaminayaan Raysal Wasaaraha Somaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland,
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa fiidkii gaadhay dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, halkaasoo ay uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo labo cisho qaadan doonta. Wafdiga uu hor-kacayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa goroonka diyaaradaha magaalada Abu-dhabiku qaabilay Wasiirka Tamarta iyo Warshadaha dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Suhal Mohamed Faraj Al Mazrouei Xasan Cali kheyre ayaa Booqsho labo maalin ah halkaasi ugu bilaabatay, isagoo inta uu joogo wadanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta kulamo la qaadan doono madaxda dalka Iskutaga Imaaraadka. Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Amniga Qaranka Maxamed Abuukar Islow Ducaale, Xildhibaanno iyo Xubno kale. Dhinaca kale Waxaa labadii maalmood ee u danbeeyay isla Emaaraadka Carabta Safar ku tagay wafti wasiiro ah oo ka socda Somaliland,waftigaas oo uu hogaaminayo wasiirka wasaarada Arimaha Dibada Sacad Cali Shire uuna ku wehelinayo wasiirka wasaarada Maaliyada Iyo xubno kale oo kamida xukuumada muuse biixi Waftigan ka socda Somaliland Ayaan la shaacin ujeedada safarkooga Wallow lagu Macneeyay In ay jawaab u Tahay Socdaal Dhawaan ay ku yimaadeen Magaalada Hargaysa Masuuliyiinta Shirkada Dekedaha Maalgalisa ee DP World Oo Ay ka heleen casuumad Waftigaas iyo xukuumada oo isla gorfeeyay sidii loo dardar galin lahaa Heshiiskii Dekeda Berbera iyo Saldhiga Milatari oo waqtigan ay gacanta ku haysa shirkada DP World. Hase ahaatee tuhuno ayaa ka dhashay ka dib markii waftiyo kala socda somaliya ay iskugu yimaadeen isku taga Imaaraadka Carabta labada wafti oo ay kale hogaaminayaa Raysal Wasaaraha Somaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibada Jamhuuriyada Somaliland kuwaasi oo xiligan ku wada Sugan xarunta isku taga Imaaraadka Carabta Ee Dubai , Halka Dhanka kale Warar laga helayo Ilo Udhow udhow Waftiyada Somaliland Iyo somaliya Ayaa tibaaxeen in ay si hoose uga wada shaqaynayaan heshiiska dekeda berbera oo hore loogu eedayn jiray in ay lug ku lahaayeen dawlada Somaliya qorshaha heshiiska Somaliland ku wareejinayso Dekeda Berbera iyo Saldhiga Milatarigaba ee xukuumadii hore ee siilaanyo lagashay shirkada DP WORLD Xogahan laga Helayo safarada isku Xiliga ah ayaa intaa ku daray in isla Emaraadka uu safar ku jooga madaxwaynihii hore ee Somaliland Siilaanyo Iyo wasiiro kamida Xukuumadiisa kuwaasi oo iyana Umuuqda in ay raad ku leeyihiin suurto galnimada in ay labada wafti iyo madaxwaynihii horeba socdaalkooda uu Xidhiidh La lee yahay Arimaha Dekeda Berbera iyo Dp World
WAJAALENEWS DESK HARGEISA SOMALILAND EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|