USA: Bannaan-bax La Xidhiidha Xakameynta Hubka Oo La Qorsheynayo | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
USA: Bannaan-bax La Xidhiidha Xakameynta Hubka Oo La Qorsheynayo
February 19, 2018 - Written by Reporter:

Washington (W,N):- Dadkii ka bad-baaday weerarkii toogashada ee toddobaadkii hore ka dhacday iskuul ku yaalla gobolka Florida, ayaa ku baaqay isu soo bax ay ka sameyn doonaan bisha soo socota magaalada Washington ee xarrunta Mareykanka iyo magaalooyin kale oo waawayn, si ay cadaadis ugu saaraan wakiillada dowladda inay la yimaaddaan qorshayaal la taaban karo oo looga hortagi karo weeraro dhaca mustaqbalka.

AA0D79E9-7EAF-4838-B036-F6FC6A006398_w1023_r1_s

Cameron Kasey oo ka mid ah ardada qorsheynaysa bannaanbaxan ayaa sheegtey in ay taasi u sameynayaan sidii noloshooda loo bad baadin lahaa.

Waxa ay tidhi, “hore ayay tani u dhacday, mana jirin wax is baddal ah.”

Kasey ayaa sheegtey in mid ka mid ah qorshayaasha bannaanbaxani ay u sameynayaan uu yahay sidii ay u ceebeyn lahaayen siyaasi kasta oo lacago ka qaata ururada hubka ee qaranka oo NRA loo soo gaabiyo.

Waxay sheegtay in NRA-du ay horrumarineyso dhaqan keenaya inay dhacaan dhibaatooyin noocaani oo kale ah.

Nikolas Cruz, oo 19 sano jir ah, ayaa toddobaadkii hore weeraray iskuul ku yaalla gobolka Florida, halkaas oo uu ku dilay 17 ruux.

COMMENTS
LINKS