|
|||||
WAJAALE NEWS
Ujeedada Socdaal Nabadeed Ay Ururka Dhalinyarada “Ceel Bardaale” Ku Tagayaan Deegaanadii Dirirtu ka Dhacday Ee Gobolka Sanaag.
February 8, 2018 - Written by Editor:GABILEY(W,N) Dhalinyar Reer Gabiley ah oo u ololeeya nabada ayaa dhawaan shaacisay in ay socdaal nabadeed ku tagi doonaan degaanada bariga si ay ula soo qaybsadaan dareen nabad jacayl ayaa shabakada la soo wadagay ujeedkoodu wuxu Daaran yahay Socdaalkoodani, Dhalintan oo la magac baxay (Ceelbardaale Youth Peace Movement). Socdaalka Nabada oo ay ugu magac dareen Ee Xaaji Cabdi Waraabe(Haji Abdiwarabe Peace Journey) Maamus ahaan waxay ku sheegeen in socdaalku yahay barnaamij Barbaarinaya oo Kobcinaya garaadka nabad dhisayaasha mustaqbalka Qaranka Somaliland. akhri barnaamujkooda oo dhamaystiran. Hordhac Waqtigu wuu sunsumayaa Midna waa la sugayaa Soo jire ma noole’e Qarni waliba wuu socon Safna wuu ka daba dhalan Hadba kooda sarakaca Waxa sahayda uga taga Kii horee sagootiyey ………………………. Xasan Geney. Dhegtu sheeko doontaye Dhar maxaan lahaan jiray? Maxaan xoolo dhaqan jiray? Maalintay dhannaantahay Dhulka yaa u halgami jiray? Geesiga u dhiidhiyey Yaa dhiiga kicin jiray? Dhinte yaa xogtiisa og? Taariikhda yaa dhiga? Dhidibkeedu waa kuma?….. Macnaha Socodaalka Nabada Socdaalka nabada ee Xaaji Cabdi Waraabe Peace Caravan waa madal bulsheed,oo dhalinyarada nabad dhisayaasha Ceel-bardaale hogaan ka tahay oo ka soo kicitimay Gobolka Gabiley una socda magaaloyinkii dirirtu ka dhacday ee Dararwayne. Dhalinyarta ceelbardaale waxa ay kulmin doonta foolaadka gobalka sanaag oo leh dhalinyaro, aqoonyahan, waxgarad, siyaasiin, culimo, haween, qalinmaal, sugaanlay, ganacsato, dhaqan yaqaan iyo xukuumad. dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dawlada. Kulan bulsheedka waxa looga gol-leeyahay in fursad la siiyo dhalinyaradu ku maamusto ama xurmayso hanaankii loo soo dhisay nabada ay ku naaloonayaan maanta iyo kaalinta ay ku lahaayeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu. Kulankan oo haldoorka iyo masuuliyiinta Soomaliland dhalinyarta uga markhaati kici doonaan kaalinta dhalinyaradu ku leedahay dhisida dalka iyo umada. Waxa kale oo la iftiimin doonaa doorka horumarinta dhalinyarada laamaha kala duwan ee bulshadu. Hawl-qabad (Activity):- Dhalinyarada nabad dhisayaasha Ceel bardaale (Ceelbardaale Youth Peace Movement) ayaa agaasimaya kulan nabadeedyo ka dhici doona magaaloyinka dirirtu ka dhacday ee gobalka sanaag sida goobaha waxbaashada. Kulanada waxa loo qaban doonaa dhalinyarta degaanka iyo shakhsiyaadkoodii ka soo qayb qaatay nabadayntii Soomaliland ee sumada u ah nabad jacaylka, kuwii u soo dagaalamay si nabadan loo helo iyo kuwa maanta ka shaqeeya nabada iyo ka garnaqa, xal u helida khilaafyada bulshada soo kala gala. Qaybtan oo kaalin miisaan wayn ku leh dadka iyo dawladnimada ayaa mudan in la xasu lana sheego waxqabadkooda. “Somaliland Dhalin iyo Waayeel Dhamaantood Siday u dhisteen Dhulkoodii Nabada u dhawreen dhamaantood ALLAW Dhawr” Ka Qayb Qaado socdaalka Nabada Oo Tageer Dhalintaas Is Abaabushay. Ku biirso Talo iyoTtaakulayn, Soo Dhawayn… Hadaad Diyaar u tahay in la safarto Ama Wax ku Biiriso Socdaalku Wuxu Bilaabmayaa…. 15th februrary- 20th February 2018. CEELBARDAALE————CEEL-AFWAYN-CEERIGAABO Kala xidhiidh : 0633133131 ama galbeedi1988@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|