Taxanaha Dharaarihii Xadhiggayga: Toddoba xayawaan ah, aniga iyo qol 3x4m ah Qaybtii 3aad. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taxanaha Dharaarihii Xadhiggayga: Toddoba xayawaan ah, aniga iyo qol 3x4m ah Qaybtii 3aad.
February 28, 2018 - Written by Wariye:

Abaabulkii xafladda ayaa la galay. Safari hotel waxa uu noo noqday bar-kulan la soo wada gaadhi karo marka aad eegto dhinaca isku xidhka gaadiidka iyo in uu ku habboon yahay meel wax lagu gorfayn karo.

Dhawrkii galbood ee ka horreeyey 20-ka February, halkaas baannu dhallinyarada isugu imanayney si xaflad dheelli-tiran loo agaasimi karo. Maansoor Hotel waa la soo xajisey. Waxa la sameeyey waraaqihii martiqaadka, waxana la isa saaray kharashkii xafladda oo la iska ururiyey laba caano-maal gudahood. Waxa ay ahaayeen dhallinyaro is guratay oo hablo iyo inamoba hawshaasi ka go’nayd in ay taabbo-qaaddo. Barnaamijkii xafladdu wuu dejinnaa 19/02/2017.

Waxa ka mid ahaa barnaamijka ka taariikhaynta gadoodkii ardayda Hargeysa iyo kicitaankii dadweynaha ee 20-kii February 1982 iyo xidhiidhka maanta ay arrintaasi la yeelan karto xaaladda waddanka iyo dhacdooyinka taagan. Waxa muunadayn lagu xusayo loo diyaariyey 21-kii xildhibaan ee diidey sidii golaha loo keenay ee loo maamulayey mashruucii saldhigga Berbera ee Emiraat-ka Carabta la siinayey.

Salaaddii Makhrib ka dib, waxa lagu soo qulqulay Maansoor Hotel, Hoodaale 1. Lix boqol oo qof ayuu qaadaa Hoodaale 1. Dad dhallinyaro u badan ayaa madasha soo buuxiyey. Ilyarta ayaa is qabatay. Ushii cirkaas loo tuuraa dhulka kuma aanay dhacayn.

Odayaashii Madasha Wada-tashiga iyo xildhibaannadii intooda badani wakhtigii loogu talo-galay ayay yimaaddeen. Nasiib darro se martiqaadkii xukuumaddu dhinacooda ayuu ka dhicisoobey oo cidi kama aanay iman. Waxa ay dhallinyaradii ku soo dhex daayeen dhar-cad nabad sugid iyo ciidamo ah oo markiiba la dareemay. Muraad iyo dan se lagama yeelan oo wax la qarinayaa ma jirin, xukuumaddana wax basaasid lagama sugayn oo kuraas ayay ku lahayd goobta oo la filayey in iyada ay cidi ka timaaddo meteshaa.

Xukuumad cabban bay ahayd oo aan dulqaad u lahayn dooddaha iyo gorfaynta xaaladaha waddanka la soo dersa. Awood iyo karti uma lahayn in ay dadka la wadaagaan hawlaha ay u qabanayaan iyo wixii xog guud ah in ay shacabka u soo gudbiyaan. In ay mar walba wax huursanayaan ayaa la moodi jirey, xitaa haddii ay wax wacan gacanta ku hayaan. Nin hagoog xumi in uu wax qarsanayaa la moodaa ayaa xaalkeedu inta badan ka dhignaa.
Marka laga yimaaddo xuska 20-ka February, waxa xafladda ujeeddadeedu ahayd in xukuumaddu dhallinyaradu la gorfayso mashruuca saldhigga Berbera oo ay hadafka ay ka leedahay iyosida ay wax u waddo barraxdo ama caddayso. Ma ay se dhicin oo way ku guuldarraysatay in xukuumaddu ay dhallinyaradeeda u timaaddo oo qanciso.

fadlan

Xoog, jujuub, xadhig iyo cabsi gelin ayay xukuumadda talo kaga soo ururtay. Taas ayay in ay dadka qanaacad uga dhigto ayaa la toolmoonaatey: Qaar xidhxidh, si inta kale u baqato.
Saacad badhkeed muddo ku dhow ayaa gaadhigii la igu qaaday igu rogey xarunta Nabad Sugidda. Qol yar baa la ila huluushey. Waxa ku jira qolkaas qoladii i siddey mid ka mid ah, nin kale oo laba kursi, miis iyo kabadh yari qolka u yaalliin, qalinna haysta iyo mid saddexaad taagan oo aan is idhi muuq ahaan malahayga argagax abuurid ayaa loogu talo galay.

Waxa la iga dhigay wixii aan sitey oo dhan marka laga reebo intii aan gashanaa oo necktie cas oo aan xidhnaa oo la iga furay uu ka maqan yahay. Teleefankii gacanta, xusuus qorkii, qalmaan iyo waraaqo kale oo ku saabsanaa xafladda iyo hal-ku-dhegyadeedii iyo waraaqo kale oo uu ku qoraan yahay maqaal aan ugu talo galay in aan kaga qayb qaato xuska maalinta afafka adduunka oo berrito 21/02/2017 xafladdiisa lagu qabanayey isla Maansoor Hotel.

Su’aalo caadi ah oo kuwii OB-ga u dhigma ayuu ninkii kurisga ku fadhey i waydiiyey iyo waxa la igu haysto, aniga oo hortiisa ku fadhiya kursi loox ka samaysan oo gaboobey. Xogtii shakhsi markii aan siiyey, ayaa waxa aan ku idhi waxa la igu haysto ninkan i wadey isaga ka warayso. Waa la is eegay, anna waa la i eegay!“Waraaqahan yaa leh?” Qaarna anigaa leh, qaarn waa kuwii xafladda, ayaan ku idhi.

Cabbaar ka dib markii ay su’aalihii dhammaadeen, gaadhigii ayaa dib la iigu celiyey, waxana la i geeyey shookiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo toban caano-maal ku noolaa.

La soco qaybta 4aad

COMMENTS
LINKS