Soomaali Lagu Dilay Magaalada London | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaali Lagu Dilay Magaalada London
February 21, 2018 - Written by Reporter:

London (W,N):- Laba Wiil oo Soomaali ah ayaa xalay siyaasabo kala duwan loogu dilay Magaalada London ee dalka Ingiriiska, halka mid kalena lagu dhaawacay.

Labada Wiil ayaa waxaa lagu dilay laba xaafad oo ka mid ah xaafadaha ku yaalla London, iyada oo dilkooda loo adeegsaday Mindi, sida ay sheegeen Soomaalida halkaasi ku dhaqan.

u_113244d_2013-10-13-11-25-54f_breaking_news_1_

Dhalinyaradan Soomaalida ah ayaa Da’ahaan waxaa lagu qiyaasay in ay u dhaxeeyaan 18-sano ilaa 20-sano, waxaana sawirro laga soo qaaday ay muujinayeen jidhkooda oo ku yaalla Mindida dilkooda loo adeegsaday.

Booliska magaalada London ayaa gaadhay goobta uu dilalku ay ka dhaceen, waxayna la wareegeen Meydadka Soomaalidii la dilay, baadhitaanno hordhac ah oo ay sameeyeen Booliska ayaa waxa ay ku sheegeen dilalkan in ay geysteen koox budhcad ah.

Warar madax banaan ayaa sheegaya dilalkan in ay ka dambeeyaan Budhcad Madow ah oo watay Gaadhi, kuwaasi oo sida muuqata u aar gudayay Nin Madow ah oo Sabtidii ina dhaaftay lagu dilay Magaalada London.

Labada Wiil ee la dilay mid ka mid ah ayaa walaalkii Afar bilood lagu dilay magaalada London, falkan waxaa si aad ah u cambaareeyay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Ingiriiska iyo ururada u dooda xuquuqda arrimaha bulshada, waxayna dalbadeen in cadaaladda la horkeeno ragii dilka geystay.

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews.net

Hargaysa Office

COMMENTS
LINKS