|
|||||
WAJAALE NEWS
Somaliland: Qiimihii Shidaalka Oo Sare U Kac Weyni Ku Yimid+Shirkadaha Keena Shidaalka Oo Qiimaha Gacantooda Ku Goosta
February 10, 2018 - Written by Reporter:Hargeysa (W,N):- Shirkaddaha Shidaalka keena Somaliland ayaa qiimihii shidaalka kordhiyay, Waxaanay ku dareen $15 qiimaha foostada baatroolka ah oo ahaan jirtay $135, imikana noqotay $ 152. Sidoo kale qiimaha foostada naaftada ah oo hore u ahayd $130 ayaa waxa ku kordhay $16, waxaanay imika noqtay $146.
Iyadoo qiimaha shidaalka caalamku wax korodh ahi ku iman ayaa shirkaddaha Somaliland keena shidaalka ee Red Sea ,Hass Petrolium iyo Som Oil ay qiimihii kordhiyeen. Korodhka qiimaha shidaalka Somaliland ayaan habayaraatee ku salaysan ka caalamka kale ee shidaalku innooga yimaado, waxaana xusid mudan inaanay habayaraatee shirkaddahani dhankooda ka hadlin sababta keentay korodhka intaa le’eg ee ay ku sameeyeen shidaalka ay dalka keenaan, taasina waaxay ku tusaysaa inaanu jirin sharci ama kaantarool lugu sameeyo shirkaddaha keena shidaalka oo ay dawladdu ku qabato gacmo adag, si bulshadu u badbaado. Bulshada Somaliland oo awalba la daalaadhacaysay sicir-bararka dalka aafeeyay, ay haatan ay ugu darsan tahay kor-u-kac balaadhan oo ku yimid Qiimahii shidaalka, sida Baatroolka iyo Naaftada, taasina waxay saamayn doontaa noloshooda.
Related posts:Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Sheegay In Ay Kor Uqaadayaan Abniga Garoonka Hargaysa Stadium Iyo Fari... Geeska Afrika Oo Xogo Dheeraad Ah Ka helay Weftiga Beesha Caalamka Ee Hargeysa Ku Soo Waajahnaa. Faysal Cali Waraabe oo Sheegay In Ay Ergadii Sadexda Xisbi Ee Wadahadalada Yeeshay Ay Khilaafka Inti... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|